Statistiska centralbyrån (SCB) i Örebro
Xarunta hayadda saadaalinta SCB ee magaalada Örebro. sawir: Conny Sillén / TT

Tirada u codeeysa SD ayaa ka badan tirada taageer-san mabdi'iyan

Tiro ka badan ayaa sheega iney u codeeyn doonaan xisbiga Sverigedemokraterna kolka loo barbar dhigo tirada mabda’ ahaan taageer-san.

Saadaalintii ugu dambeeysay ee taageerada xisbiyada oo ay soo ban-dhigtay hayadda saadaalinta ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB ayey 14,8% sheegeen iney u codeeyn ahaayeen xisbiga SD, hase yeeshee baaristii taageerada mabaadiida xisbiyada iyada oo aan la cayimin cidda loo codeeyn doono ayey 11.9% ku sheegeen iney mabda’a ahaan u taageer-san yihiin xisbiga Sverigedemokraterna (SD).

Badankood xisbiyada kale ayaa saadaalinta ay ku caddaatay in tirada bulshada taageer-san mabaadiidoodu ka badan tahay inta sheegtay iney u codeeyneyaan. Farqiga tirooyinkaa u dhexeeyaana yihiin awoodda suurtagal ee xisbi walba uu gaari karo. Kolka laga reebo xisbiga Kristendemokraterna (KD), midkaasina oo ey 2,6% sheegeen iney mabda ahaan taageer-san yihiin. Saadaalintii ugu dambeeysay ayey 3,1 ku sheegeen iney u codeeyn lahaayeen KD, haddii ay maalin doorasho ahaan lahayd. Sidoo kale xisbiga Center-ka ayay tirada u codeeyn lahayd ka hooseeyaa 0,3 tirada taageer-san xisbiga mabaadiidiisa.

Farqiga u dhexeeya tirada ragga iyo haweenka taageer-san mabaadiida xisbiyada ayaa kala duwan. Xisbiga SD ayey taageer-san yihiin mabaadiisa 7,7% haween iyo 16,1 rag.

Sidoo kale xisbiyada M iyo KD ayey dadyoowga taageersan siyaasaddooda ey raggu ka badan yihiin haweenka, hase yeeshee uu farqigaasi ka hooseeyaa midka taageereyaasha SD.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".