Synagogan i Göteborg kärleksbombas efter lördagskvällens attack. Blommor och pappershjärtan sattes upp på grindarna till byggnaden
Xarunta yuhuuddu ku cibaadeeysato ee magaalada Göteborg oo ubax badan la dhigey weerarkii fiid-nimadii sabtidii dabadeed. sawir: Nora Lorek/ TT

Baaristii weerar lagu qaaday Sinagooga oo halkeedii ka socota

Saddex nin ayaa weli ruumaanka (xabsiga) ugu jira weerarkii dabka ee lagu qaaday goobaha yuhuuddu ku cibaadeeystaan (Sinagooga) ee ku taala magaalada Göteborg fiid-nimadii sabtidii ina dhaaftay.

Ragga ruumaanka lagu hayo oo ey da’doodu tahay 20 jirro ayaa iminka lagu tuhun-san yahay isku day falka dab wax lagu dilo, kuwaasina oo wareeysiyo lala yeeshey shalayto.
–Midda keliya ee aan oran karo waxay tahay in ninka aan qareenka u ahay uu iska dheereeyay eedeeymaha lagu soo oogey, sida uu sheegay Stefan Fredin ahna qaren mid ka mid ah ragga la tuhun-san yahay mar uu la hadlay hayadda wararka Sweden ee TT.

Meel aan ka dheereeyn goobta fal-dambiyeedka lagu falay oo ey ku xafladeeynayeen dhllin-yaro ayey dadyow gaarsii-san tobaneeyo oo wejiyada soo qarsadey bilaabeen iney ku tuuraan waxyaalo dab la qabadsiiyey barxadda ka horreeysa Sinagooggada. Dhacdadadn ayaa kicisay fal-celimmo badan iyo eedeeymmo ballaaran, halka dhanka kale barxadda sinagooggada ey buuxiyeen maalintii xigtay ee axaddii shalayto ubaxyo iyo qoraallo.

Waxaan weli caddeeyn sababta ka dambeeysa falkan.
-Weli wax kama sheegi karno, hase yeeshee raggan saddexda ah ayaa weli xabsiga lagu sii heyn doonaa inta baaristu ka socoto, sida uu sheegay Ulla Brehm, af-hayeenka saxaafadda ee ciidanka ammaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".