Centerledaren Annie Lööf håller jultal på  Radisson Blu Waterfront Hotel i Stockholm.
Hoggaamiyaha xisbiga Center-ka Annie Lööf oo maanta khudbaddeedii Krismaska soo ban-dhigtay. sawir: Anders Wiklund/TT

Annie Lööf oo si adag uga hadashay falalka dembiyada ee yuhuudda loo geeysto

-Waa iminka oo kale marka na loo baahan yahay, waa iminka oo kale marka loo baahan yahay in aannu si munaasab ah u istaagno, sida ay sheegtay Annie Lööf, hoggaamiyaha xisbiga Center-ka mar ay ka hadleeysay dhibaatooyinka iyo weerarrada loo geeystay goobaha yuhuudda ee magaalooyinka Göteborg, Malmö iyo ereyadii lidka ku ahaa qowmiyadda yuhuudda ee beryahan dambe.

-In aanay dadka yuhuuddu ammaan dareemin waa darajo hoose ee howlahayega ku aadan sidii looga hor tegi lahaa xag-jirka fog ee midig, midka bidix iyo islaamiyiinta xag-jirka ah, sida ay sheegtay Lööf iyadona intaa raacisay iney waajib tahay hayadaha shuruucdu iney si xooggan uga fal celiyaan dhacdooyinkaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".