Flera personer sågs kasta brinnande föremål mot församlingens lokaler vid synagogan i centrala Göteborg i lördags kväll.
Fiidnimadii sabtidii ina dhaaftay oo dab lagu weerarey sinagoogga Göteborg ayaa la arkayey dad meesha ka cararey. sawir: Björn Larsson Rosvall/TT

Laba ruux uu xabsiga loo dhigay dhacdadii dabka ee sinagoogga yuhuudda Göteborg

Laba ruux ayaa la go’aamiyey in ruumaanka (xabsiga) lagu sii hayo. Kuwaasina oo lagu tuhun-san yahay iney ka dambeeyeen weerarkii sinagoogga ku taala magaalada Göteborg.

-Laba ruux ayaan go’aansaday in xabsiga lagu sii hayo. Cinwaankii dacwadda waxaan ku bedelay dambi culus ee dil dab oo u dhigma dil la geeystey, halka uu horay ka ahaa isku day dil dab. Markaa waa eedeeyn xukunka ugu hooseeyaa uu yahay laba sannadood oo xarig ah oo ay khasab tahay si ruumaanka loogu sii hayo, sida ay sheegtay xeer ilaaliye Stina Lundqvist oo u warrameeysay hayadda wararka Sweden ee TT.

-Baarista ayaa tallaabooyin horay loogu qaaday. Waxaa mar walba soo baxaya warar hor leh. Howlo badan ayaa noo yaala, hase yeeshee maalmaha foodda innagu soo haya ayey dhici doonaan waxyaabo badan, sida ay sheegtay Stina Lundqvist.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".