Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Arbetslös på väg till Arbetsförmedlingen.
Ruux shaqo raadis ah oo sii gelaya xafiiska shaqada. sawir: Jessica Gow/TT
Dhegeeyso
(2:37 min)

227.000 shaqooyin oo abuurmi doona sannadyada soo socda

La daabacay onsdag 13 december 2017 kl 16.32

Heeyada xafiiska shaqada ayaa shaacisay saadaalin sheegeyaa in ey kor u kici doonaan tirada qof ee dalkan ka shaqeeysa, 227 000 oo qof inta u dhaxeeysa 2017-2019.

Sidaas ayaa laga ogaaday saadaaliinta ay xafiiska shaqadu dhowaan soo bandhigtay.

Saadaalintan ayaa ku salaysan wareeysiyo lala yeeshay 11.000 shirkado, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa ay dawladu iska leedahay.

Sannadkan aan ku jirno ayey 97.000 shaqooyin u abuurmi doonaan dadka ay da´doodu u dhaxeeyso 16-64 jir.

Sido kale ayey saadaalintani tusaysa in shaqooyinkan la siin doono ajaanibta iyo dadka asal-ahaan dalkan ka soo jeeda, hasayeeshe ay u baadnaan doonto ajaanibta oo boqolkiiba 80 shaqooyinka cusub heli doona.

-Waan ku faraxsanahay in ajaanibta dalkan la siin doono shaqooyinkan iyo in ay tani dhacayso wakhti adag oo ay qaxootigu ku soo faro badanayaan dalkan, ayuu sheegay agaasimaha guud ee xafiiska shaqada dalkan Mikael Sjöberg markuu shaacinayay saadaalinta cusub.

Dhanka kale ayey yaraanan doonaan tirada qof ay shaqo l´aantu hayso 351 000 sannadka dambe, halka ay sannadkan ka tahay 357 000 oo qof.

Maxamed Ali Osman oo muddo shan sanno ah dalkan ku noola ayaa sidan sheegay:

-Dawladdu waa in ay u fududeeyso ajaanibta wax soo bartay in ay suuqa shaqada soo galaan. Anigu macallin ayaan ka ahaa Soomaaliya, ayuu yidhi.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".