Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Lagboken, Sveriges Rikes Lag 2013.
Buugga xeerka Sweden 2013. sawir: FREDRIK SANDBERG / TT

Go’aan dhabba tus oo ah oo ay gaartay maxkamadda sare ee socdaalku

Maxkamadda sare ee socdaalka, Migrationsöverdomstolen ayaa maanta go’aan ka gaartay in sharciga deggenaansho iyo midka shaqo loo dheereeyo Danyar Mohammed oo ku dhaqan kana howl-gala magaalada Jokkmokk oo dhacda waqooyiga dalka Sweden.

Xarunta dhexe ee cadaaladda - Centrum för rättvisa, ayaa ka dambeeysay gudbidda dacwaddan, sida ay ku qortay boggeeda aaladda internetka.

Danyar Mohammed ayaa ka guuleeystay wakaaladda socdaalka oo go’aansatay in dalka laga tarxiilo, middaasina ay sabab u ahayd shaqa-bixiyaha Danyar oo si khaldan u bixiyay mushaar ay ka dhiman yihiin 460 koron.

Go’aankan ayaa u noqon doona dhabba-tus go’aanno boqolaal ruux oo dalka ku yimid sidii ey uga xamaalan lahaayeen ay wakaalada socdaalku go’aan kaga gaartay tarxiil khaladaad yar yar oo ey galeen shirkadaha ey ka howl-galaan.

Maxkamadda sare ee socdaalka ayaa go’aankeeda ku caddeeysay in loo baahan yahay qiimeyn guud ee la xiriirta guud ahaan shuruudaha shaqada iyo inaan khaladaad yaryar ee dib laga saxo aaney sabab u noqon tarxiil.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".