Luciatåg med robotar.
Socdaalkii Lucia oo ey roobootyo ka qayb qaateen. sawir: Johan Nilsson/TT

Roobootyo ka qeyb qaatay socdaalkii xafladda Lucia ee maanta ku beegnayd

13-ka bisha diseembar waxaa sannad walba haddaayaa dalka laga xusaa maalinta lucia.

Lucia waa magac gabdheed. Waxaa la oran jirey gabar owliyo ah una dhalatey carriga Sisiiliya ee dalka Talyaaniga, waa sida ey qabaan qaarkood dadyoowga aaminsan diinta masiixiga. Magacaasi wuxuu asal ahaan ka soo jeedda luqaddii ey dadyoowgii Roomanku ku hadli jireen wuxuuna macnihiisu yahey "if ama ileys". Caadadan oo haba yaraatee aan wax shaqo ah ku laheyn dhalashadii Nebi Ciise ayaa waxey dalkan Iswiidhen soo gaartey qarnigii lix iyo tobanaad. Iyada oo sannad walba bisha Diseember saddex iyo tobankeeda looga dabaal-dego maalintaa, oo ku beegan magaca maalinta gabadhaasi, Lucia.

Iskuullada iyo goobaha shaqada ee dalka ayey caado u tahay iney soo maraan dhallaan xiran dhar cad,  madxa  shumacyo u saaran yihiin iyo gacmaha oo ey shumac ku sitaan, iyaga oo weliba ku heeseya heesta maalintan ku caanka ahayd ee ” Sankta Lucia (Natten går tunga fjät).

Haddaba ardayda fasalka shannaad ee iskuullada Videdalsskolan, Kryddgårdskolan ee magaalada Malmö iyo iskuul ku yaala magaalada Odense ee dalka Danmark oo mashruuc wada shaqeeyn ku maray socodkii Lucia uu qayb ka ahaa waxa loo yaqaanno Roobot oo isaguna sidii Lucia loo soo xardhey.

Ardeyda qaybta ka ahayd mashruucyadaa ayaa si wada jir ah uga soo wada shaqeeyey roobotka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".