Fr v Kalle Zackari Wahlström, Farah Abadi och Molly Sandén sänder från buren på Rådhustorget i Umeå då Sveriges radios Musikhjälpen drar igång.
Bidix: Kalle Zackari Wahlström, Farah Abadi iyo Molly Sandén, hor-joogeyaasha barnaamijka Musikhjälpen, barxadda Rådhustorget ee magaalada Umeå. sawir: Erik Abel/TT

Barnaamijka ”Musikhjälpen oo sannadka looga hadleyo ganacsiga oogada ilmaha

Waddammada Nebaal, Filibiin, Gaana iyo Bulgaariya ayaa ah qaar ka mid ah waddammada lagu ganacsado u galmoodka ilmaha.

Si haddaba loo soo ban-dhigo dhibaatadaa waxaa barnaamijka sannadlaha ee ”Musikhjälpen” mowduuc sannadka looga dhigey cinwaanka ”Dhallaanku maahan iib”.

"'Musikhjälpen' barnaamijka ayaa sannadka lagu soo qaatey mowduuc culus oo dhib badan, hase yeeshee si loo baahiyo aqoonta tirada iyo baaxadda ka ganacsiga oogada dhallaanka si loo soo ban-dhigo dhibaatadeeda iyo sidii gacan looga geey-san lahaa in is-bedel loogu hor-seedi lahaa, sida uu sheegay Per Byman, agaasimaha guud ee mashruuca Radiohjälpen.

Barnaamijka Musikhjälpen oo la bilaabey sannadkii 2008 ayaa sannad walba lagu qabtaa toddobaadka ka horreeya ciidda Krismaska magaalo ka mid ah magaalooyinka dalka.

Goolka laga leeyahey mashruucan ayaa ah sidii dhaqaale loogu ururin lahaa. Mashruuca ayaa loo hir-geliyaa in saddex muddo lix maalmood ah lagu xereeyo goob lagu magacaabo ”glasburen – guri muraayad ah. Muddadadaasina oo idaacadaha la iska daawado iyo midda la iska dhageeysto muddadaa lixda maalmood ah laga sii daayo 24-ka saacadood barnaamijyo, sidoo kale waxey dhageeysteyaasha iyo maqleyaashuba dalban karaan heeso haddii ey sadaqo ugu yaboohayaan mashruuca.

Ololaha Musikhjälpen ayaa ka socda laga bilaabo 11-kii diseembar barxadda Rådhustorget ee magaalada Umeå. Barnaamijka ayaa si kala go’ la’aan ah u socon doono 144 saacadood.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".