En flagga på halv stång vid Enskede gårdsgymnasium i södra Stockholm.
Calanka barxadda dugsiga sare ee Enskede Skolan oo hoos loo dhigey. sawir: Vilhelm Stokstad/TT

Baroor diiq ka socota iskuul ku yaala Xaafadda Enskede ee Stockholm

Calanka ayaa hoos loo dhigey barxadda dugsiga sare ee Enskede gård halkaasina oo shalayto uu tooray ku dilay arday wiil 17 jir oo ka mid ahaa ardeyda iskuulka.

Albaabbada iskuulka ayaa xiran, waxaa sidoo kale goobtaa ku sugan ciidanka ammaanka iyo howl-wadeenno ka socda ururka laankheyrta cas si ey u sugaan ammaanka isla-markaana u dhiiri-geliyaan ardeyda.

Dhammaan waxaa xiran albaabbada laga galo iskuulka, cidda keliya ee laga fureyaana waxay tahay shaqaalaha iyo ardeyda dhigata iskuulka.

Qeeylo-dhaan ka dambeeysay buuq

Xilligii qadada ee shalayto oo arbaca ahayd ayaa ciidanka ammaanka la gaarsiiyey qeeylo-dhaan. Intii aaney howl-wadeennada ciidanka ammaanku goobta soo gaarin ayaa lagu war-geliyey inuu ruux lagu dhaawacay mindi, halka ruux kalena ey soo gaareen dhaawacyo sahlan oo salka ku hayay dagaal.

Wiilka 17-jirka oo ey soo gaareen dhaawacyada halista ayaa ka mid ah dhallin-yaradii keli-nimada dalka ku timid, isagoona loola cararey cusbitalka halkaasina oo uu u geeriyooday dhaawacyadii loo geeystay.

Wiilka dhaawacyada geeystay oo 16 jirka ayaa sidoo kale ka mid ah ardayda iskuulka dhigata. Ciidanka ammaankuna gacanta ku dhigeen. Waxaa lagu tuhun-san yahay dil.

Ciidanka ammaanka ayaa sheegay in aanay jirin cid kale oo loo tuhun-san yahay falkaa.

Gar-yaqaanka wiilka lagu tuhun-san yahay inuu falkaa ka dambeeyay Sandra Danowsky ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho xaaladda wiilka.

-Nasiib-darro waxba kama sheegi karo xaaladda wiilka.

Ma la kulantay isaga, siduuse u arkaa tuhunka dacwadda?

-Waan la kulmay, mana doonayo inaan ka faalloodo halka uu ka taagan yahay tuhunka dacwadda, sida ay sheegtay Sandra Danowsky.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".