Ebba Busch Thor och Fredrik Malm
Ebba Busch Thor, KD iyo Fredrik Malm, L. sawir: TT

Xisbiyada L iyo KD oo ka soo horjeestey qorshe dawladdu soo bandhigtay

"Waa in muhiimadda la siiyo qaxootiga magan-gelyada u baahan"
2:51 min

Xisbiyada Liberalerna iyo Kristdemokraterna ayaa maanta ku dhawaaqay in aaney taabac-saneyn qorshaha dawladda ee ku wajahan dhallaanka keli-nimada ku yimaada ee diidmada ku heley dalabkoodii magan-gelyo doon in la siiyo suurtagal labaad sidii ey dalka ku joogi lahaayeen.

–Waannu ka hor iman doonnaa qorshaha noocan ah maadaama uu ku saleey-san yahay kummanaan ruux ee diidmo lagu siiyey dalabkoodii magan-gelyo doon iney dalka ku sii nagaadaan mar haddii ey isku qoraan dugsiga sare. Noomana muuqato wax loo baahan yahay inay tahay. Waxey nala tahay in loo baahan yahay xoogga in la saaro marka hore kuwa xaqa u leh magan-gelyo, sida uu sheegay Fredrik Malm, af-hayeenka arrimmaha socdaalka ee xisbiga Liberalerna.

Qorshaha dawladda oo la soo ban-dhigey muddo ey toddobaadyo ka soo wareegeen ayaa ku wajahan in dhallaanka keli-nimada dalka ku yimid ee magan-gelyada dalbaday wixii ka horreeyay 24 bishii noveembar 2015 oo jawaab sugayey ugu yaraan 15 bilood ama wax ka badan  ey mar kale dalban karaan deggenaansho.

Arrinkaa ayaa loo sababeeyey in sugitaanka dheer ee jawaabta ay sababtay iney qaar badan oo ka mid ahi gaaraan da’da qaan-gaarka ee 18 sannadood oo loo aqoonsado dad waaweyn. Markaasina lala tiigsado xeerar ka adag.

Xisbiyada Moderaterna iyo Sverigedemokraterna ayaa horey u sheegey iney ka soo hor-jeedaan fikirka dawladda. Halka ey xisbiyada Vänsterpartiet iyo Centerpartiet ey u arkeen qorshe la aqbali karo oo ey soo dhoweeyeen, hase yeeshee aaney weli ku dhawaaqin sida ey ugu codeeyn doonaan kolka baarlamanka la hor keeno. Labada xisbi ee V iyo C ayuu ku xiran yahay dhanka uu qorshaha dawladdu u dhaco.

Kristdemokraterna iyo Liberalerna ayaa dooneya in dib loogu laabto nidaamkii in deggenaansho lagu heli karo xaalado darnaan iyo damqasho badan Bani’aadmi-nimo).

Hoggaamiyaha xisbiga Kristdemokraternas Ebba Busch Thor:

–Waxay caawiyi lahayd kuwooda ugu liita, kuwooda ku sugan xaaladaha ugu daran. Wixii intaa dhaafsii-san waa in aannu ilaalinaa nidaamka socdaalka ee dalka u deg-san, sida ay sheegtay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".