Djurgårdens Kim Källström jublar med resten av laget efter måndagens allsvenska fotbollsmatch mellan Djurgårdens IF och GIF Sundsvall på Tele2 Arena.
Kim Källström oo ciyaaraha isaga fariistay isagoo ay sannad uga har-san tahay qandaraaskii ey wada galeen koocda Djurgården. sawir: Erik Simander/TT

Kim Källström oo ciyaaraha isaga fariistay

"Waa kedis balse maahan tallaabo aan la filaneyn"
0:56 min

-Waa lama filaan inuu ciyaaraha ka fariisto iyadoo uu sannad uga har-san yahay qandaraaskii ka dhexeeyey kooxda hor-yaalka kubbadda cagta Sweden ee Djurgården, balse maahan filan waa inuu ciyaartoy 35 jir ah oo muddo ka muuqdey garoommada uu ciyaarta ka fariisto, sida uu sheegay khabiirka ciyaaraha ee laanta ispoortiga idaacadda Sweden Richard Henriksson.

Kim Källström ayaa xulka qaranka Sweden u soo saftay 130 tartan, wuxuu sidoo kale ka soo ciyaarey waddammada Faransiiska iyo Ruushka, hase yeeshee iminka ku dhawaaqay inuu ciyaaraha isaga fariistay.

Kim Källström

Dhashay: 24 agoosto 1982.
Hor-yaalka Sweden soo galay: 2000 ciyaar dhex-matey Häcken iyo IFK Göteborg.
U soo ciyaaray kooxaha: Häcken 1999-2001 iyo 2017, Djurgården 2002-2003, Rennes 2003-2006, Lyon 2006-2012, Spartak Moskva 2012-2015, Arsenal (amaah) 2014, Graddhopper 2015-2017.
Guulaha: Dahabka horyaalka Sweden 2002 iyo 2003 - Djurgården, Koobka kuubka Sweden 2002, Ligue 1 2006, 2007 iyo 2008, FA-cupen 2013/14.
U saftay xulka qaranka: 131 ciyaarood.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".