En pappa som är hemma med sitt barn.
Aabbe wiilkiisa kula jira fasaxii barbaarinta dhallaanka. sawir: Christine Olsson/TT

Shan bilood oo loo qoondeeyey aabbaha

Shan bilood ayaa loo xirey labada waalid ee ilmuhu u dhasheen midkiiba, waxaa la baabi’iyey nidaamka gunnada ugu hooseeysa, iyo in la hagaajiyo xaaladda suurtagal ee noocyada qooysaska kala duwan.

Waxey ka mid yihiin qorshaha cusub ee nidaamka ceeymiska waalidka oo ay dawladdu maanta soo ban-dhigtay.

-Shan bilood ayaa midkiiba loo xirey labada waalid , sida uu sheegay baare Lars Arrhenius oo shir jaraa’id ku soo ban-dhigay fikirradaa.

30 maalmood waxaa lagu wareejin karaa cid kale.

-Wuxuu noqon karaa awoowe ayeeyo ama cid qoyska xiriir dhow la leh, sida uu sheegay Lars Arrhenius.

Baaraha ayaa sidoo kale soo jeediyay in la baabi’iyo 90-ka maalmood oo ay waajibka tahay in la qaato gunnada ugu hooseeysa. 

Dib  eegista ceeymiska waalidiinta ayaa salka ku heeysay saddex waxyaalood; sidii ceeymiska waalidka loogu sinnaan lahaa, sidii loogu qaabeeyn lahaa noocyada qooysaska kala duwan iyo sidii xeerka loo sahli lahaa.

Dawladda ayaa baaris u saartay sidii looga soo baaraan-degi lahaa madaama ay ula muuqatay inuu xerku yahay mid wakhtiga ka haray. Intaa waxaa dheer iney weli hooyooyinku inta badan galaan fasaxyada dhallaanka lagu xannaaneeyo.

-40 sannadood dabadood waxaa caddaatay iney weli hooyooyinku qaataan 75% maalmaha fasaxyada loo qaato ee xannaanada dhallaanka, sida ay sheegtay wasiirka bulshada Annika Strandhäll.

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".