Centerpartiet ifrågasätter nu regeringens förslag.
Xisbiga Centerka oo su'aalo ka keenay fikirkii dawladda ee dhallaanka keli-nimada dalka ku yimaada.

Xisbiga Dhexe oo dhaliilay qorshaha dawladda

Xisbiga Center-ka (C) ayaa is weeydiin ka keenay qorshaha dawladda ee la xiriira dhallaanka keli-nimada dalka ku yimid wixii ka horreeyay 24-kii bishii feeberaayo 2015., kuwaasina oo in muddo ah ku sugaayey jawaabtii ey ka heleen dalabkoodii magan-gelyo doon iyo in suurtagal labaad la siiyo.

Arrinkan ayaa muujinaya in aanay dawladdu aqlabiyad ku lahayn fikirkan. Xisbiga Center-ka ayaa ahaa xisbiga keliya ee soo dhoweeyay kolkii ay dawladdu markii ugu horreeysay ku dhawaaqday fikirkeeda.

–Waan ku faraxsannahey inay dawladdu ugu dambeeyn soo ban-dhigto fikirkeeda, sida ay waagaasi sheegtay af-hayeenka siyaasadda socdaalka ee xisbiga Johanna Jönsson.

Iyada oo iminka uu xisbiga C, uu iminka doonayo inuu su’aallo dhowr ah u helo jawaabo, haddii la dooneyo inuu xisbigu u codeeyo qorshaha dawladda, sida ay sheegtay Johanna Jönsson

Qorshaha dawladda ayaa siinaya dhallaanka keli-nimada ku yimaada suurtagalka ah iney dugsiga sare sii dhigan karaan halka uu xisbiga C, doonayo in lagu daro iney shaqeey-san karaan, wuxuu kaloo xeerkani qabanayaa dhallin-yarada da’dooda ka been abuurtay, waa mid uu xisbiga Center-ku ka soo hor jeedo. Intaa waxaa dheer in inuu xeerkani qabanayo dhammaan kuwoodii yimid wixii ka horreeyey 24-kii bishii noveembar 2015, mana ahan wakhti ku habboon, sida ay sheegtay Johanna Jönsson.

–Xaqiiqdii, waxaa loo baahan yahay in xadka laga dhigo kala-guurkii sannadka, sida ay sheegtay. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".