Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Leila Ishaaq ayaa ka shaqeeysa heeyada adeegga bulshada ee Socialtjänsten.
Leila Ishaaq ayaa ka shaqeeysa heeyada adeegga bulshada ee Socialtjänsten. sawir: Mona Ismail Jama/SR
Dhegeeyso
3:52 min

Leila Ishaaq:"Tirada ilmaha laga qaato waalidka oo sii badanaya"

La daabacay måndag 18 december 2017 kl 16.03

Sidan hore idiinla socodsiinay ayaa wakhtigii ugu dambeeyay dhowr waalid oo soomaali ah lagala wareegay caruurtoodii. Tan ayaa waalidiinta magaalada Trollhättan degan baqdin iyo welwel ku abuurtay in iyagana laga qaato caruurtooda.

Leila Ishaaq ayaa ah gabadh ka shaqeeysa laanta adeegga bulshada ee Socialtjänsten xaafada Skärholmen ee Stockholm. In kasta oo ay dhibaatooyinkan xaafada ay iyadu ka shaqeeyso ku arag ayey caddeeysay in ay la kulantay shaqaale oo sida ay iyadu u aragto aan aqoon u lahayn dhaqammada kala duwan, tusaale in qaab dhismeedka qooyska soomaalidu uu ka duwan yahay kan Iswiidhishka.

Sido kale ayay sheegtay in ay jiraan dhowr tallabo oo la qaadaan karo inta aan caruurta laga boobin waalidka, waxaa loo baahan yahay in wadashaqeeyn lala yeesho qooysaskan oo loo sharaxo qeeynuunka dalkan ka jira.

Hoos ka dhageeyso wareeysiga aannu la yeelanay Leila Ishaaq. 

 

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".