Försvarsminister Peter Hultqvist (S).
Wasiirka gaashaan dhigga Peter Hultqvist (S). sawir: TT

Guddiga diyaarinta difaaca oo war-bixin guddoomin doona wasiirka difaaca

Guddiga difaaca oo soo gudbiyay baaris la xiriirta heeganka difaaca
3:28 min

Guddiga diyaarinta difaaca ayaa maanta guddoonsiin doona wasiirka gaashaan-dhigga Peter Hultqvist (S) war-bixin la xiriirta qaabeeynta hab-awoodda difaaca Sweden iyo kaalinta difaaca bulshada ee inta u dhexeeysa 2021-2025.

Warbixinta ay guddiga u gudbinayaan wasiirka difaaca, ayaa tilmaameysa in aan meesha laga saari kareyn weerar dagaal oo lagu soo qaadi karo waddanka.

Guddiga diyaarinta difaaca ayaa soo jeediyay in hadafka difaac buuxa oo dalka uu yeesho, in uu noqdo mid Iswiidhan iskeeda isu difaacda iyo mid ay la wadaageyso awoodo kale oo dalka ka baxsan.

Warbixnta ayaa sidoo kale sheegeysa in bulshada Iswiidhan looga baahan yahay in ay awood u yeeshaan la tacaalida iyo maareenta  khataraha cusub ee dunida ku soo kordhaya kuwaasi oo ay ka mid yihiin, dagaalka wejiyada kala duwan xambaarsan ee xagga mareegtada ee qarbudaad ku saleysan, sida weerarada xagga khadka internet-ka iyo ololooyin ujeedkooda yahay in hoos loo dhigo hamiga bulshada u heyso in ay is difaacdo.

Habka difaaca dhammeystiran ee Iswiidhan ayaa ka kooban difaaca militeri iyo mid madani. Habka ayaa u sammeysnaa inta uu socday dagaalkii qaboowaa in uu ka hortago isku day duulaan hubeysan oo dalka lagu soo qaado.

Waxuu sidoo kale habkaasi uu u diyaarsanaa in la maareeyo wax yaabaha aasaasiga nolosha ah wakhti dheer  haddii dalka laga go’doomiyo dunida inteeda kale.

Maanta ma jirto khatar muuqato oo ah dalka la soo weerarayo hase yeeshee waxaa loo qaateen ah in jasiirada Gotland duulaan kaga imaan karo dibeda.

Warbixinta loo gudbinayo wasiirka gaashaandhiga Peter Hultqvist, ayaa sidoo kale fareysa in shaqsiga Iswiidhan ku nool ay saaran tahay mas’uuliyad.

Mas’uuliyada ayaa ah in qofka u diyaarsan yahay in uu dabooli karo muddo toddobaad ah daryeelka daruuriga ah iyada oo xagga hay’adaha dowlada wax caawinaad ah uusan uga baahan.

Guddiga difaaca ayaa warbixintooda ku tilmaamay in loo baahan yahay diyaargarow iyo wada shaqeyn dhex marta dhammaan dadka kolka laga hadlayo diyaargarow difaac.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".