Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Hindisaha cusub ayaa raba in shuruudaha lagu adkeeyo shirkadaha bakhtiya nasiibka.
Hindisaha cusub ayaa raba in shuruudaha lagu adkeeyo shirkadaha bakhtiya nasiibka. sawir: Janerik Henriksson/TT
Dhegeeyso
(2:08 min)

Shirkadaha bakhtiya nasiibka oo shuruudaha lagu adkeeyno

La daabacay onsdag 20 december 2017 kl 13.00

Dawladda dalkan ayaa ku talo jirta in kontoroollada lagu adkeeyo shirkadaha ku howlgala bakhtiya nasiibka, waxaa af-iswiidhishka lagu yidhaahdo spelbolag.

Sido kale ayey la doonayaa in ay khasab ku noqoto shirkadahan in ay codsadaan shati (liisan) caddeeynaya in ay xuquuq sharci ku shaqeeynayaan.

– Xitaa waxaan doonaynaa in la mamnuuco xayaysiinta shirkadahan, khaasatan kawa loogu talo galay dadka sida xun u isticmaala ciyaaraha qamaarka, ayuu sheegay wasiirka rayidka dalkan, Ardalan Shekarabi.

Hindisaha ay dawladdu soo jeedisay ayaa lagu doonayaa in dadka cudurkan qaba ee sida xun u ciyaara qamaarka  tusaale ahaan laga joojiyo dhammaan shirkadaha ciyaaraha qamaarka si aanu u sii wadin balwada.

Pia Rosin oo dhinaca saxaafada u qaabilsan Betson, mid ka mid ah shirkadaha bakhtiya nasiibka ayaa taageersan hindisaha dawlada.

– Ma doonayno in aanu ka qeeyb noqono cudurkan amba balwada ay dadkani qabatimeen, ayey sheegtay.

Wexeey ula jeedaa in ay jiraan shirkado iska diiwaan geliyay dalka dibaddiisa tusaale ahaan Malta, si ay uga dhuuntaan amba uga baxsadaan qeeynuunada Iswiidhan. Shirkadahan ayaa dabeetana shaaciyaan xayaysiin soo jiidanaysa dadka balwadan leh iyaga oo aan u baahneeyn in ay sharciga dalkan racaan amba canshuur ka bixiyaan halkan.

Hadii la dhabeeyo hindisaha dawlada ayey khasab ku noqonaysaa shirkadaha oo dhan in ay halkan iska diwaan geliyaan, liisaanka dalbadaan iyo iney bilaabaan cashuur iney canshuur ku bixiyaan Iswiidhan.  

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".