Trafik på Liljeholmsbron. Nya planer finns på att trängselskattssystemet ska utökas och avgifterna höjas.
Buundada dhabbada gawaarida ee Liljeholm. sawir: Lars Pehrson / SvD / TT

Canshuurta dhabbooyinka oo lagu talo jiro in kor loo qaado

Dawladda oo wadatashi la yeelatay maamullada degmooyinka ee nawaaxiga Stockholm ayaa soo jeedisay in kor loo qaado canshuurta dhabbooyinka ee faras-magaalaha Stockholm. Iyada oo dhaqaalaha laga helo lagu maal-gelin doono kaabiyeyaasha dhaqaale.

Canshuurta waddooyinka ayaa la qaadi doonaa laga bilaabo 06-00
aroor-nimo iyada oo saacadaha qaarkood khidmadda kor loo qaadi doono.

Qorshahan ayaa salka ku haya wada-xaajood lala yeeshey degmooyinka gobolka Stockholm.

-Dawladda ayaa go’aan ka gaari doona berito arrinkaa, sida uu sheegay wasiirka kaabiyeyaasha dhaqaale Tomas Eneroth (S) oo shir-jaraa’id ka qabtay wada-xaajoodkii Sweden oo soo ban-dhigay howlihii laga sugayay.

Dhaqaalaha laga helo canshuurta dhabbooyinka laga soo galo Essingeleden ayaa lagu miisaaniyad gelin doonaa dhabbada-xaddiidka dhulka hoostiisa  ee lagu tala jiro in laga dhiso inta u dhexeeysa xaafadaha Älvsjö illaa iyo Fridhemsplan, iyo dhismaha dhabbada-xadiidka dusha sare ee lagu magacaabo spårväg syd, maxaddo cusub ee tareenka hoose ee Hagalund iyo dheereeynta dhabbada – Roslagsbanan.
Sida uu sheegay Eneroth in maal-gelintani la xiriirto dhismaha 100 000 oo guri oo gobolka laga hir-geliyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".