Wasiirka ganacsiga dalkan Ann Linde.
Wasiirka ganacsiga dalkan Ann Linde. sawir: Anders Wiklund/TT

EU oo digniin u gudbisay dalka Poland

1:05 min

Komissionka EU ayaa go´aan taariikhi ah maanta gaadhay. Wuxuu digniin  u gudbiyay waddanka Poland oo hore u diiday in ay qaabilaan qaxooti.

Hadii isbedel laga arkii waayo digniintan waxay isku bedeli kartaa in qaadacaad lagu bilaabo amba gebi ahaan laga qaado xuquuqda codbixinta.

Qodobka toddobaad ee xeerka EU ayey ku qoran tahay in ay waddamada ka mid ahi ku khasban yihiin in ay raacaan qeeynuunnada dimoqraadnimada ku dhisan ee u degsan ururka EU.

Wasiiradda ganacsiga dibadda Ann Linde ayaa sidan sheegtay markii uu
go´aanku soo gaadhay.

-Goolku mar kasta waxaa uu yahay in ay Poland raacdo sharciyada u yaala EU ee ay saxeexeen. Haddii la aqbali waayo waa in tallaabooyin ka hor tag ah la sameeyo, ayey tidhi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".