förbred
Hubso in aad heysato biyo, cunto iyo iftiin. Foto: TT
Samata-bax

Ma ku fekertaa waxyaabaha daruuriga ah haddii dagaal ama mashaqo kale dalka uu galo?

Liiska waxa aynu u baahanahay si aan u samatabaxno haddii mashaqo ama masiibo dhacdo

  • Feynuus ama iftiin kale oo ku shaqeeya shidaal. Ka feker in aad heysato hab naqaska qaada oo wanaagan si aysan u sumoobin hawada goobta aad ku jirto ama marinada neefsiga dhibaato kaaga dhacin.
  • Aalad kuleyl aad ka heli karo oo aan ku shaqeyn koronto oo ku shaqeyn kara sida gaas ama naafto. Ka feker in aad heysato hab naqaska qaada oo wanaagan si ayan u sumoobin hawada goobta aad ku jirto ama marinada neefsiga dhibaato kaaga dhacdo
  • Jawaanka la dhex galo ee lagu seexdo, buste iyo dhar diirimaad leh.
  • Taraq.
  • Shumaca la shito
  • Toosh caadiga iyo midka madax lagu xirto. Bateriyayaal dheeri ah iyana waa loo baahan yahay.
  • Baaldiyo iyo weelal kale oo dabool leh si loogu keydsado biyo.
    Dawooyinka gargaarka deg dega iyo dawooyinka kale ee adiga iyo reerkaaga muhiim u ah.
  • Raadiya ku shaqeeya bateri ama lagu kaarikeen karo gacan, ileyska qoraxda ama in aad heysato galaangal raadiyaha gaariga.
  • Bateriyo dheeri ah in aad u heysato taleefanka gacanta ama aalada la yiraahdo (powerbank) ama qalabka gacanta lagu wareejiyo ee lagu kaarikeen karo mobaylka.
  • Qalabka nadaafadda ee iya la’aan la isticmaali karo sida istaraashooyinka qoyan.
  • Jiko la qaadi karo oo ku shaqeeneysa shidaal. Balse ka feker halista sii kordheysa ee dab in uu kaco marka aad wax ku karineyso holac ama olol.
  • Cunto aan u baahneen qaboojiye ana firintijeer.
  • Lacag kaash ama cadaan ah.
  • Warqad ay kugu qoran yihiin liis magacyo tusaale, ehelkaaga, deriskaaga, degmada, hay’adaha badbaadinta, shirkada korontada iyo goobaha caafimaadka.

Källa: MSB

                                      Somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".