2016 års lagbok, Sveriges Rikes Lag .
Buuggii qaanuunka ee sannadkii 2016. sawir: Henrik Montgomery/TT

Guddiga xeerarka oo diidmo kala hor yimid qorshe ay dawladdu wadatay

Guddiga talo-bixinta xeerarka ayaa dhalliil ballaaran u soo jeediyay qorshihii dawladda ee ahaa in la xaaraantimeeyo ka ganacsiga galmada ee dalka dibaddiisa. In muwaadinka ama shakhsiga ku dhaqan Sweden ee falka noocaasi dibadda ku gala lagu ciqaabi karo Sweden gudaheeda.

Waxaa jira asbaabo badan oo culus oo ka soo hor-jeeda, sida ay sheegeen gar-yaqaannadu.

Guddiga xeerarka wuxuu ka digay in Sweden uu qorshahani furfuro suurtagallada maxaa dembi ka noqon kara Sweden.

Waxay dhallin kartaa in waddammo kale bilaabaan ciqaabta falal ka dhaca Sweden oo aan dembi dalkan ka ahayn. Waddan uu ilmo iska soo ridku mamnuuc yahay ayay dhici kartaa inuu ciqaab ku rido shakhsi u yimid Sweden inuu ilmo isaga soo rido. Waxay sidoo kale noqon kari lahayd dhaqmmada dadyoopwga isku jinsiyadda ah ee isu galmooda homosexuella ama xoriyadda qowlka, sida uu guddiga shuruucdu qabo.

Qaanuunka in aanu waddan fara-gelin ku sameeyn fal waddan kale gudihiisa ka dhacay ayaa macne dhexe ugu fadhiya, sida uu guddiga xeerarku qoray.

Marka laga reebo guddiga xeerarka ayey horay uga digeen dawladda hir-gelinta qorshaha fikirkan baaristii dawladda qudheeda iyo hayado kale oo ka soo tala bixiyey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".