Xarumaha uu boliisku ku leeyahay magaalooyinka Strängnäs, Arvidsjaur iyo Norrköping ayey tani ku dhacday.
Xarumaha uu boliisku ku leeyahay magaalooyinka Strängnäs, Arvidsjaur iyo Norrköping ayey tani ku dhacday. sawir: Johan Nilsson/TT

Naqshado laga qaaday xaruumaha boliiska oo dadweeynaha u furnaa

1:35 min

Naqshado faahfaahsan oo laga qaaday dhowr xarumo uu boliisku ku leeyahay dalkan ayaa muddo u furnaa dadweeynaha in ay ka qeeyb qaataan.

Halkaas ayaa laga arki karayey halka uu boliisku dhigto hubka, goobta wareeysiyada ay ku sameeyaan, meesha kaameerooyinku yaalan iyo nooca qufulka ay isticmaalaan.

Lars Björsund ayaa qaabilsan qeeybta amaanka ee boliiska. Waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay in maclumaadkani u furnaa dadweeynaha.

-Waxeey aheeyd in naqshadahan mar hore laga qaado boggan, ayuu yidhi.

Naqshadahan ayay ka muuqatay maclumaad sir ah oo aan loogu talo galin dadweeynaha. Xarumaha uu boliisku ku leeyahay magaalooyinka Strängnäs, Arvidsjaur iyo Norrköping ayaa ka mid xarumaha ay tani ku dhacday.

Caalinka arrimaha la xidhiidha argagaxisada ee Magnus Ranstorp ayaa arrinkan u arka khatar, khaasatan hadii maclumaadkani gaadhi lahaa kooxaha dembiilayaasha ah amba dad kale oo raba in ay dhaawacan booliska.

-Waa maclumaad u baahan in laga qariyo dadweeynaha, ayuu sheegay Magnus Ranstorp.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista