Kiruna den 12 december. Solen når inte över horisonten från och med idag och tre veckor framöver. Foto: Alexander Linder/ Sveriges Radio.
Kiruna 12-kii diseembar. Qorrax intaa ka badan ayaanay heli doonin illaa iyo saddex toddobaad 2-da jannaayo 2018.

Iminka ayay is rogeeysaa

Cabdisamad: Waan la qabsaday Mugdiga iyo barafka
0:57 min

Cidda bartamaha kuleeylaha ee lagu magacaabo
Midsommar ayay maanta ka har-san tahay lix bilood – iyada oo iftiinka maalintuna ka sii dheeraanayo.

Khamiista maanta 21 diseembar ayaa ah maalinta sannadka ugu gaaban (maalinta ugu iftiinka gaaban) habeenkuna ugu dheer yahay.

Laga bilaabo maanta ayay bilaaban doontaa inuu iftiinka iyo maalintuba ka sii dheeraadaan. Wax badanina ey ka sii hagaagaan – farxadda oo dadka ku sii badata. Hase yeeshee muddo ayay qaadan doontaa inta qorraxdu ka soo dhoola caddeeyn doonto. Magaalada Kiruna oo dhacda waqooyiga dalka Sweden ayuu ka jiraa waxa lagu magacaabo polarnatt illaa iyo labada bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya.

Is-bedelka ayaa ah mid tartiib tartiib ku yimaada – qiyaastii dhowr daqiiqadood oo dheeri ah oo maalin walba iftiinka qorraxda la helo.

Farqiga u dhexeeya magaalooyinka dalka ee iftiinka ayaa aad u kala duwan xilligan oo kale. Magaalada Luleå ayay bulshada ku dhaqani helaan ilayska qorraxda saddex saacadood maalintii halka ay reer Malmö helaan 7 saacadood haddii aanu cirki caad lahayn. Reer Stockholm ayaa xaaladda ugu wanaag-san hela lix saacadood oo ileeys qorrax ah maalintii.

Xilliga bartamaha kuleeylaha ayay xaaladdu is bedeshaa oo ay tahay maalinta ugu dheer sannadka. Magaalada Kiruna ayaanay maalintaa qorraxdu ka dhicin, halka ay reer Malmö ay tahay iney ku qancaan maalintaa 17 saacadood oo iftiin ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".