Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ardey ka badan intii hore oo ku guuleeysta imtixaanka dugsiyada sare

La daabacay torsdag 21 december 2017 kl 15.35
Studentflak vid Slussen i Stockholm på fredagen.
Ardey gaari saaran ee u xafladeeneysa dhammeeys-tirka dugsiyada sare. sawir: Johan Nilsson/TT

Saddexdii sannadood ee ugu dambeeyey ayey kor u kaceen tirada dhallin-yarada ardeyda ee ku guuleeysata iney qaataan shahaadada dugsiyada sare, isla-markaana suurtagalka u yeelata iney jaamicadaha u gudbaan, sida ku cad war-bixin ay soo saartay wakaaladda iskuulladu khamiista maanta.

Isu geeyn tirada kor u kacday ayaa gaarsii-san 3,8%. Gugii 2014 ayey dugsiyada sare ku guuleeysteen iney ka natiijo gaaraan ardey gaarsii-san 71,4% ee ardeydii ku qorneyd barnaamijyadii dugsiyada sare, midkaasina oo haddii loo barbar-dhigo ardeyda ka qalin jebisey noocyada kala duwan ee barnaamijyada qaran ee dugsiyada sare sannadka 2017 kor u gaartay 75,2%.

Kor u kaca ugu wayn ee is-bedellada ayaa ka muuqda barnaamijyada dugsiyada sare ee xirfadaha lagu barto. Sannadkii 2014 waxaa qeybaha xirfadaha shahaado ka qaatey 66,6% ardeydii dhiganeeysey, tiradaasina oo kor u gaartay 71,8%. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".