Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Wasiirka Dhaqaalaha: Nidaamka is dhexgalku maahan mid shaqeeynaya

La daabacay fredag 22 december 2017 kl 10.21
Asylsökande flyktingar har samlats vid mynttorget nära riksdagshuset för att visa sin oro mot Sveriges nya hårdare flyktingpolitik.
Qaxooti ka bannaan-baxaya siyaasadda dawladda ee lagu adkeeyey soo-galootiga. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Wasiirka dhaqaalaha Sweden Magdalena Andersson (S) ayaa aamin-san in aan lagu guuleey-san sidii dadyoowga dalka qaxa ku yimid loogu suurtagelin lahaa la qabsiga bulshada Sweden, halka qaabilaadda qaxootigana aan si wanaag-san loogu guuleey-san, sida ay aamin-san tahay.

-Nidaamka is-dhex galka ayaan u shaqeenayn sidii looga baahnaa iyo hab wanaag-san wixii ka horreeyay xilligii guga ee 2015, balse waxaa aniga ii muuqda in aan loo baahneyn in la qaabilo tiro qaxooti ee ka badan inta awood loo lee yahey in lagu hago la qabsiga bulshada. Haddii kale u wanaagsanaan meeyso dadka magan gelyada dalka ku yimaada, sidoo kale u wanaagsanaan meeyso bulshada ey u yimaadeen, sida ay sheegtay mar ay wareeysi siisay war-geeyska Dagens Nyheter.

-Waxay iila muuqataa inuu suurtagalka qaxootigu uga wanaag-san yahay haddey waddammo kale magan-gelyo ka dalbadaan, sida ay ku sheegtay wareeysiga war-geeyska DN.

Wasiiradda dhaqaalaha ayaa sidoo kale aamin-san inuu xisbigeedu gacan ku leeyahay masuuliyadda ah inuu dalku galo xaaladdaa cakiran.

-Haddaannu nahay xisbiga Socialdemokraterna waa in aannu dib isugu noqonnaa. Waxay ahayd in aannu horay u caddeeyno in aannu dalku qaabili karin qaxooti ka badan inta tabartayada ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".