Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Kor u kacan ayaa laga arkaa hablaha ay da´doodu ka yartahay 18 jir.
Kor u kacan ayaa laga arkaa hablaha ay da´doodu ka yartahay 18 jir. sawir: Junge, Heiko
Dhegeeyso
2:35 min

Tirada hablaha kufsiga loo geeysto ee taga cisbitaallada oo kor u kacey

La daabacay fredag 22 december 2017 kl 10.52

Waxaa aad u kordhay tirada haween ee ka dib marka la kufsado daryeel caafimaad u raadsada  cisbitaalka Södersjukhuset ee magaalada Stockholm.

Kor u kacan ayaa laga arkaa hablaha ay da´doodu ka yartahay 18 jir.

Sida ey dhakhtiirta Pia Jokobsson Kruse, Anna Möller iyo Maria Grundel oo aqoon u leh cilmi-nafsiga ku soo qoreen wargeeyska Dagens Nyheter.

Lixdii bilood ee ugu horeeyay sannadkan ayey labalaabmeen hablaha aan qaanqaadhin ee soo raadsada daryeelka caafimaad marka loo barbardhigo sannadkii hore isla xilligaas.

Tirada ugu badani xidhiidh amba aqoon ayey u leeyahin ninka kufsiga u geeystay, ayey u jeedaan dhakhtarada ka shaqeeya cisbitaalkan.

-Badankood hablahan ayaa sheegey in lagula kacay falalka kufsiyada  iyaga oo hurda dabadeed kolkii ey khamri cabeen. Hablahan ayaa sheegay in ay marka ay hurdada ka soo kacaan arkaan nin aaney aqoon u lahayn oo kufsanaya, ayey tidhi Anna Möller oo dhakhtar ka ah cisbitaalka Södersjukhuset qeeybta lagu qaabilo hablaha kufsiga loo geeystay.

Wexeey raacisay:

-Marka aanu hablahan qaabilno waxaan aragna in ay la liitaan niyad jab.

Dhakhtarrada ka hawlgala cisbitaalkan ayaa raba in isbedel lagu sameeyo dhibaatooyinkan bulshadda ku soo kordhay wakhtiyadii dambe, waa sida ay ku soo qoreen wargeeyska DN.

Tusaale ahaan waxey ku tallinayaan si looga hortago dembiyada la xidhiidha kufsiga, in loo baahan yahay in caruuraha iskuulada laga bilaabo oo wax laga baro dembiyadan iyo sida loola dhaqmo haweenka. Sidoo kale waxay masuuliyaddu saaran tahay waalidiinta in ay wiilashaooda kala hadlan arrimahan, sida sheegtay Anna Möller.

Tirada hablaha loo geeystay dembiyada xadgudubka ayaa kordhay wixii ka dambeeyey 2014:kii.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".