Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Gustav Fridolin, wasiirka tacliinta.
Gustav Fridolin, utbildningsminister. sawir: Pontus Lundahl/TT

Fridolin oo ka soo hor jeestay fikirkii wasiiradda maaliyadda ee qaxootiga

Ereyo ka soo yeeray wasiiradda maaliyadda oo la dhaleeceeyey
3:05 min

Af-hayeenka xisbiga Miljöpartiet Gustav Fridolin ayaa sheegay in aanu ku raacsanayn wasiiradda dhaqaalaha, Magdalena Andersson ereyadeedii ahaa iney qaxootigu magangelyo ka dalbadaan waddammo kale ee Yurub ah.

-Halistu waxay tahay in haddii ey dawladdaha oo dhami sidaa yiraahdaan, ma jiri doono dhowaan waddan ay ciddii u baahan ka dalban kari doonto magangelyo, sida uu sheegay.

Guddoomiyaha ururka caqiidada iyo gacan isa-siinta ee xisbiga Socialdemokraterna ayaa dhalleeceeyay fikirka ka soo yeeray wasiiradda maaliyadda Magdalena Andersson.

-Waan la yaabay, waanan ka niyad jabay kolkii aan wareeysiga wasiiradda lala yeeshay aan arkay, maadaama ay Magdalena Andersson ay daashka gadaashiisa uga warrantay si aan ku habbooneyn siyaasadda socdaalka dalka Sweden. Iyo inay qaxootiga u tuilmaanto waddammo kale iney iska dhiibaan, sidii iney iyaga u wanaag-san tahay, isla markaana aan wax tusaale ah ka bixin, sida uu sheegay Ulf Bjereld guddoomiyaha ururka caqiidada iyo gacan isa-siinta ee xisbiga Socialdemokraterna ayaa dhalleeceeyay fikirka ka soo yeeray wasiiradda maaliyadda Magdalena Andersson.

Fridolin ayaa sheegay inuu dalkani weligii lahaa mabda’ ku dhisan furfurnaan.

-Dalku waa inuu ahaado ama mid furan oo maal-geliya dadkiisa, isla markaana aamin-san in ajaaniibta timaada ey ka qeyb qaadan karaan dhismaha iyo hor u marka dalka, ama uu dalku noqdo mid xirxiran, sida uu sheegay Fridolin oo la halday hayadda wararka Sweden ee TT.

-Nooca dalka Sweden ayaa ah inuu yahay mid furfuran, waxaana diyaar u ahay inaan difaaco.

Wasiiradda maaliyadda, Magdalena Andersson S, ayaa ku sheegtay wareeysi uu la yeeshay war-geeyska DN in nidaamka is dhexgalka dalku aanu u shaqeeynayn sidii laga filayay. Wasiiradda ayaa sheegtay in ”qaxootigu kaga suurtagal wanaag-san yahay haddii ey waddammo kale iska dhiibaan".

-Qaxootiga yimaadana uma wanaag-sana, bulshada Sweden-na uma wanaag-sana sida ay sheegtay Andersson oo u warrameeysay war-geeyska DN.

Fridolin, ahna wasiirka tacliinta ayaa carrabka ku adkeeyay inuu yahay fikir wasiiradda u gaar ah ee aan ahayn mowqifka dawladda uu xubinta ka yahay.

-Maya, ma ahan. Waxaannu aragney dawlado kale oo Yurub ku yaal oo ey madaxdoodu sidaa u hadasho. Khatartu waxay tahay dhowaan in la waayi doono waddan ey magan-gelyo u raadsadaan dadyoowga u baahan, sida uu sheegay.

la xiriira

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".