Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
arbetsförmedlingen
Wasiirada suuqa shaqada Ylva Johansson (S). Foto: TT
Arbetsförmedlingen

Xafiiska shaqada oo aan gaarin yool loo igmaday ee suuqa shaqada

Xafiiska iyo yoolkii laga doonayay
4:14 min

Xafiiska shaqada Arbetsförmedlingen ayaa la filayaa in uusan u buuxin si dhammeystiran hadafyo dhanka suuqa shaqada ah oo ay dowladu u igmatay bilowgii sanadkan.

Hadafka dawladda ayuu ka mid ahaa in la yareeyo waqtiga dheer ee shaqo la’aanta, in la hagaajiyo isku xirka shaqo doonaha iyo shaqo bixiyaha iyo in dadka aanu lixaadkoodu dhammeystirneeyn si xooggan looga  qeyb geliyo suuqa shaqada ama waxbarasho.

– Xafiiska shaqada waxa uu ku howlan yahay isbedel iyo in uu sii hagaajiyo qaabka uu ku shaqeeyo oo qaabab tiro badan ah, balse natiijadu uma hagaagsana si dhammeystiran. Marka waa in ay hagaajiyaan, ayay tiri Ylva Johansson wasiiradda suuqa shaqada kana tirsan xisbiga Socialdemokraterna.

Wasiiradda ayaa sheegtay in ay aad muhiim u tahay in xafiiska shaqda uu buuxiyo yoolka loo igmaday.

Warqad qawaaniin ku qornaayeen oo  la soo saaray aakhirka sanadka  2017 ayay dowladu u qabatay xafiiska shaqada yool ujeedkiisu yahay inuu xafiisku hagaajiyo natiijada qeybo muhiim oo dhowr ah oo ku qotoma suuqa shaqada.

Qeybahaasi waxaa ka mid ah in hoos loo dhigo waqtiga dheer ee qof shaqo la’aan ahaan karo, in la sii horumariyo  isku xirka shaqo doonaha iyo shaqo bixiyaha iyo dadka doonaya in ay wax bartaan loo sii sahlo.

Dadka shaqo la’aanta ah ee aan heysan waxbarashada dugsiga sare iney si weyn u bilaabaan waxbarashada, iyada oo qaar ka mid ah dadkan ay yihiin dad lixaadkoodu uusan dhammeystirnayn taas oo sii adkeeysa in ay shaqo ama waxbarasho aadaan.

Hase yeeshee isku dar qeybahaasi oo dhan ayaa la filayaa in xafiiska shaqada uusan buuxin yoolkii la filayay, taasi oo micnaheedu tahay in inta badan uusan xafiiska shaqadu buuxin yoolkii ay dowladu ka filaneeysay.

Annika Sunden oo madax ka ah qeybta daraasaadka ee xafiiska shaqada ayaa sheegtay in xafiisku uusan ka wada gaarin dhammaan hadafka loo igmaday balse uu ku taagan yahay dhabaha saxda ah sidoo kalana uu ku howlan yahay horumarinta si uu ugu shaqeeyo buuxinta yoolka loo igmaday.

Annika ayaa sharaxaad ka bixisay in howl badan u harsan tahay xafiiska shaqada howshuna tahay mid weyn oo dhib badan. Waxay sheegtay iney xilligii deyrta ee sanadkan ey xafiiska shaqada soo gaareen dad aad u fara badan oo ah dadka ku cusub Sweden, waxay sidoo kale sheegtay in qulqulka dadkaasi uu ka badan yahay sidii berigii hore.

Si kastaba ahaatee, meelaha qaar natiijada waa mid wanaagsan. Tusaale ahaan waxaa hoos u dhacday oo la dhimay tirada dhallinta waqti dheer ku sugnaata shaqo la’aan, waxbarasho la’aan ama si kale loo maalgeliyo.

Xafiiska shaqada ayaa xitaa sidoo kale u muuqda mid buuxinaya labo hadaf oo ku aadan meeleeynta dadka dalka ku cusub ee gelinta xagga suuqa shaqada. Intii u dhaxeysay bilihii janaayo iyo nofeember ee sannadkan, waxaa sii korortay tirada dadka ka baxaya qorshaha meleeynta iyo aasaas ka caawinta ee etablering, kuwaasi oo aadaya waxbarasho ama shaqo.

Annika Sunden ayaa sheegtay in ay tahay wax farxad leh in tiro badan oo dumar ah kana mid ah dadka dalka ku cusub ay aadayaan shaqo iyo waxbarasho, tirdaasina ay korortay, hase yeeshee waxay leedahay weli waxaa muuqda farqiyo waaweyn oo u dhaxeeya ragga iyo dumarka. Tirada dumarka ayaa yar, waxaana muhiim inoo ah in la simo oo aan ku dhiiri gelino dumar tira badan in ay soo galaan suuqa shaqada ayay leedahay Annika Sunden.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".