båt
Doomahan ayaa inta badan u kala goosha Sweden iyo FinlandFoto: Hasse Holmberg/TT

Booliska: Sharciga ka yaalla qamriga waa in la gaarsiiyaa doomaha dalxiiska

2:57 min

Inkastoo shirkadaha doomaha dalxiiska ay geliyaan dadaalo dheeri ah oo loogu hortagayo kufsiyo ka dhaca doomaha dushooda, misana waxaa weli si sare u soda dambiyada xagga galmada la xiriira ee ka dhacaya dusha doomaha lagu dalxiiska ee lagu safro

Si xal loogu helo dhibkan sii socda, ayay bileyska waxa ay doonayaan in sharciga Sweden ee quudashada qamriga ee ka jira beriga in sidoo kale uu noqodo mid lagu dabaqo ama sharci ahaan daboola doomaha lagu dalxiiso, sida uu sheegay Olof Bratthall oo ka tiran booliska gobolka Stockholm.

– Marka si xad dhaaf ah qamriga la isaga iibiyo doonta dusheeda, waxaa daba socda dambiyao rabshad wata, kufsiyo iyo xadgudubyo kale oo jinsiga ah. Waxay dhibaato aad u weyn ku tahay dadka lagu xadgudbayo iyo sidoo kale waa dhibaato xagga qarashka oo culeys ku ah bulshada. Haddaba haddii aan helno isbedel sharciga oo inoo oggolaanaya in awoodo booliska aan la taagsino shirkadaha rarka ee sida xad dhaafka qamriga ku dul iibinaya doomaha, markaasi saameyn ayaan ku yeelan karnaa xaaladda, ayuu yiri, Olof Bratthall oo la hadlay wakaaladda wrarka ee Ekot.

Sanadahan dambe, dad badan waxaa jira dad badan oo arkay xadgudubyo faro xumeen ah oo ka dul dhaca doomaha lagu dalxiiso. Sanadkii 2014 waxaa booliska soo gaaray 33 dacwadood oo ah dambiyo la xiriira galmada oo ka dhacay doomaha u kala goosha Stockholm, Finland iyo jasiirada Åland ee ku taalla bada u dhaxeysa Finland iyo Sweden. 18 ka mid ah dacwadahan ayaa ahaa kufsi.

Sanadkan gabagabada ah ee 2017 tirada dacwadaha booliska ka soo saaray doomaha lagu dalxiia  ayaa ah 35, 19 ka mid ahna wa kufsi. Sida laga soo xiganayo booliska, waxaa jira kara fal dambiyeedyo aan la soo gaarsiin booliska waayo tirakoobkan kuma jiraa dacwooyinka loo gudbiyay booliska Finland ama xarumaha caafimaad ee dalkaasi.

Inta badan dambiyada ka dhaca doomaha, ayaa waxaa geysanaya dad saqraansan sidaasi daraadeed ayay booliska u doonayaan in sharciga dalka ee ka yaalla aalkolada in la gaarsiiyo doomaha si loogu hortago in si xad dhaaf ah loo iibiyo qamriga iyo in si la mid ah sida beriga oo kale in  laga ceshan karo shatiga iibinta qamriga shirkadaha iska leh doomha lagu dalxiiso.

                                                        Somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista