Dhammaan ereyada cusub ee sannadka

38-ka erey ee sannadka gabagabada ku jira 2017 ku soo biirey qaamuuska ereyada ee afka Sweden. Ereyadaasina oo wax badan ey hadal haysay badankeed bulshadu.

Alternativa fakta – akhbaar bedel ah ee loo soo bdn-dhigo iney dhab yihiin, hase yeeshee burineya xaqiiqda markaa jirta ama la hayo. Ereygan ayaa soo caan baxay kadib kolkii ay isticmaashay la taliyaha madax-waynaha dalka Mareeykanka Kellyanne Conway iyada oo difaaceeysa warkii been abuurka ahaa ee uu sheegay gacan-yaraha saxaafadda ee la xiriirey tiradii dadkii ka soo qeyb galey caleema-saarkii madax-wayne Donald Trump.

Blockkedja – Hab lagu aqoonsado xog sal-dhig kombiyuutar, halkaasina oo tusaale ahaan lagu diiwaan geliyo lacagta la direyo ee sal-dhigyo kombiyuutarro badani ey qeyb ka yihiin, si loogu gaaro aaminaad dhab ah. Iyadoona is-bedel walba oo la sameeyo ay khasab tahay iney caddeeyaan xarummo badan ee kombiyuutarro shabakad ku wada xiran.

Blorange – Nooc midabeeynta timaha oo isugu jira hurdi cadaan ah iyo midabka liinta.

Bonus malus – Nooc canshuurta ka mid ah ee dhaqaale ahaan lagu qiimeeyo gawaarida wasakhda yar hawada ku siii daaya, halka kuwa wasakhda badan hawada ku sii daaya la saaro ganaax canshuur ah.

Cringe – waa eray ingiriis ah oo loo isticmaalo sidii magac, sifo iyo ficil ahaan oo loo isticmaalo macnaha wax xanuun badan, wax laga xishoodo, laga yaqyaqsoodo.

Dabba – Dhaqaaq qoob ka ciyaar oo madaxa hoos loogu dhigayo xagasha ay gacantu ka laabanto iyada oo gacanta kale kor loo taagayo.

Madaxa dawladda, Stefan Löfven oo ficilkaa la sameeynaya dhallaan. 

Direktare – Xabaal aan xaflad lahayn.

Doxa – Xog xasaasi ah ee shakhsi oo lagu soo ban-dhigo aaladda internet-ka. Eraygan ayaa ka soo jeeda midka ingiriiska oo la soo gaabiyay ”dox - docs, oo loola jeedo dokumentiyo.

Döstäda – In la nadiifiyo oo la kala saaro alaabta uu qof leeyahay inta uu nool yahay, si aaney qaraabadu ugu khasbanaan howshaa geerida dabadeed.

Expresskidnappning – Af-duub aan ka dheerayn inta shakhsi koontadiisa lacageed lagala baxayo dhammaan dhaqaalaha ku jira.

Fejkade nyheter (ama fejknyheter, falska nyheter) – Warar aan dhab aheyn oo loo baahiyo sidiiyoo ey xaqiiqda ka tarjumeyaan. 

Fidget spinner (ama fingersnurra och stressnurra) – Walax yar oo ilmuhu ku ciyaaraan kuna wareejiyaan faraha.

Framtidsfullmakt – Wakiilashada mustaqbalka oo bilaabanaysa kolka uu shakhsiga bixiyay wakiilashadu uu gaaro heer aanu ka masuul noqon karin nafsaddiisa iyo dhaqaalihiisa.

Funktionsrätt – Xuquuqda loo leeyahay go’aan ka gaaridda iyo ka qayb qaadashada ee dadyoowga aanu lixaadkoodu dhammeyn.

Grit – Ku adadkaan iyo ku dhiiranaan howleed ee mustaqbalka dheer. Eraygan ayaa laga soo amaahday afka ingiriisiga. Erayga grit ayaa loo isticmaalaa cilmi-baarista cilmi-nafsiga, iyadoona uu faafiddeeda ka dambeeysay baaristii caalimadda mareeykanka ee cilmi-nafsiga Angela Duckworths. 

Halalturism – Dalxiis xalaal ah. Dalxiis loo tago goobo looga dhaqmo dhaqammada muslimiinta.

Hyberavdrag – Canshuur la isaga dhimo adeegyada kireeynta-alaabooyinka duugga ah iyo dayac tirkooda.

Inrymning – In dad loo xiro ama loo xanibo iyada oo looga baqayo colaad dibadda kaga timaada.

Killgissa – In walax looga hadlo sidiiyoo la garaneyo, hase yeeshee la qiyaasayo un.

Klickfarm – Koox dad ah oo dhaqaale ku hela ”like” loo saaro xayeeysiin internet-ka si ey dhaqaale u soo geliyaan cidda howsha u dirsatay.

Knäprotest – Bannaan-bax looga hor-tegeyo faqooqa oo jilbaha lagu istaago #takeaknee.

Kombucha – Cabitaanka shaah la qamiiriyey. Shaah macaan oo la qamiiriyey.

Kompetensutvisning – Tarxiil lagu sameeyey dad leh xirfad looga baahan yahay suuqa shaqada.

#metoo – Waa Hashtagg macnihiisu yahay sidii looga hor tegi lahaa xad-gudubka iyo kufsiga oo dad badani ka dhiibteen waayo-arag-nimadooda.

Omakase – Cunno maqaayadda laga cuno macmiilkuna u ogolaado inuu cunto-kariyuhu maskaxdiisa ka alifo. Wuxuu ka soo jeedaa hal ku dhegga jabaaneeska omakase oo macnihiisu yahay ”go’aanka adigaan kuu daayay’. 

Pansexuell – oo la xiriira jaceeylka isu galmood ee romaantika ah ee qofka iyada oo aan loo eegin sinjogooda (lab iyo dheddig).

Plogga – In la isku wado tababar orod iyo qashinka oo la guro, sida badan waxaa loo sameeyaa koox ahaan.

Poddtaxi – Dhug-dhugley yar oo taksi ahaan loo isticmaalo.

Postfaktisk – oo la xiriirta dhacdooyin ku beegan xilli kooban oo aan lagu saleenayn daliil iyo xaqiiq.

Rekoring – Koox cunnada ka iibsata cidda soo saarta ee goobaha ey ku dhaqan agagaarkooda deggan.

Renovräkning – Guri ka saarista kireeysteyaasha aan awoodda u laheyn iney biilka guryaha bixiyaan kolka dayac-tir lagu sameeyo guriga.

Sekundärkränkt – Ka gilgilashada meel ka dhac loo geeystay cid kale.

Serieotrohet – In tv-ga laga daawado qayb ka mid ah musalsal sheeko iyada oo aan lammaanaha loo ogolaan.

Skogsbad – Hab lagu daweeyo cudurrada maskaxda iyo sidii kadeedka loo dhimi lahaa iyada oo duurka la tegayo.

Snubbelsten – Sawir xasuus dhagax ah ee loo dhigo cid ka mid ah dadyoowgii uu lagu xasuuqey dagaalkii labaad ee dunida intii u dhexeeysay sannadihii 1933 - 1945.

Spetspatient – Bukaan socod si aad ah ula socda cudurkiisa oo go’aannada daweeyntiisa qeyb ka qaata.

Veganisera – Sameeynta nooc ka mid ah cunnada ey cunaan dadka aan jecleeyn cunidda xoolaha oo ey ku jiraan waxyaabo xoolaha ka yimid..

Viralgranska – In laga gun gaaro xaqiiqda war-bixin si degdeg ah ugu baahda internet-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".