buss
Hay'adda gaadiidka waxaa gaara codsiyada gaadiidka is kaxeyn kara. Foto: Victor Jensen/Sveriges Radio.

Basas aan darawal wadin oo la tijaabineyo

Hay’adda gaadiidka ayaa ogolaatay in tijaabo lagu sammeeyo labo bas oo iyaga keliya is kaxeenaya, waxaana la leeyahay in basaskan  ay raaci karaan ilaa iyo 12 rakaab ah, waana basas aan darawal wadin oo iskood u socda masaafo dhan 20 kiiloo mitir saacaddii.

Basaskan oo ku shaqeynaya koronto ayaa waxay raacayaan waddooyin  hab kombyuutar ah oo hore loo sii duubay. Inta tijaabada ay ku jirayaan oo ah muddo lix bilood ah, waxaa sii raacaya darwal si uu u kaxeeyo haddii xaalad timaado.

"Waa go’aan taariikhi ah oo horay u sii riixaya horumarka farsamada cusub ee hindis maskaxeedka ku dhisan taasi oo muhim u ah hor u socodka bulshada’’ ayuu ku sheegay warsaxaafadeed  agaasimaha guud ee hayada gaadiidka Jonas Bjelfvenstam.

Tijaabada basaskan ayaa lagu sammeyn doonaa wado hal kiilo mitir iyo bar ah oo u dhaxeysa suuqa dukaamada Kista iyo hoteelka Victoria Tower ee ku yaalla isla aaga Kista ee magaaladda Stockholm.

Waxaa kulul xiisaha loo qabo in la helo gadiidka dadweynaha oo is wadi kara. Hay’adda gaadiika ayaa imminka gacanta ku heysa toddobo codsi kale oo ku saabsan isku dayga gaadiid iyaga is kaxeyn kara iyada oo kuwa kale oo dheeri ahna la filayo in hay’adda la soo gaarsiiyo.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".