Cisbitaalada gobolkas Västra Götaland oo heegan ku jira.
Cisbitaalada gobolka Västra Götaland oo heegan ku jira. sawir: Jonas Dagson/TT

Dhammaan cisbitaalada gobolka Västra Götaland oo heegan la geliyay

Warar sucub oo ka soo kordhaya jadeecada ka dilaalay Göteborg ayaa sheegaya in hada dhamaan cisbitaalada gobolka Västra Götaland ay heegan ku jiraan.

Sideed ruux ayaa ilaa hada la ogyahay in ay qaadeen cudurka jadeecada oo bilaamay ka dib markii qof socdaal waddanka dibaddiisa u aaday uu dib uga soo laabtay oo dabadeed uu booqday cisbitaalka Sahlgrenska. Cudurkan oo aad u fida ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey in shan qof oo jadeecadu soo riday ay la kulmeen qofkii horay cadurka u qabay.

Peter Ulleryd oo ah dhatarka qaabilsan cuduradda fida ayaa sheegay in cisbitaalada heegan la geliyey si bulshada loo siiyo macluumaad si aan cudurku u sii fidin. Macluumaadka bulshada la siinayo ayay ka mid tahay calaamadaha lagu garto xanuunkan iyo in ay tahay in aanay fadhiisan meelaha dadka kale ku sugayaan adeega degdega ah, ee ay tahay in ay la xidhiidhan 1177.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista