Baraf badan oo la filayo in uu ka da´o Norrland.
Baraf badan oo la filayo in uu ka da´o Norrland. sawir: Robert Nyholm/TT

Baraf badan ayaa la filayaa in uu ka da´o Norrland

Baraf badan ayaa ka da´ay koonfurta iyo badhtamaha gobolka balaadhan ee Norrland. Barafkan oo sababay dhowr shil ayaa hadana la filayaa in uu beri oo khamiis ah dib uga da´o isla halkaas.

Barafka berito ayaa haayadda saadaalinta hawadda ee magaceed loo soogaabiyo SMHI ka soo saartay digniinta koobaad oo ah digniinta ugu culus.

- Waxa la filayaa in uu da´o baraf hal desimeter gaadha berito, ayuu sheegay Marcus Sjöstedt oo ka hawlgalay haayadda SMHI.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista