Flickornas liv är en skör balansgång. Flickan i grönt är 14 år och mamma. Här får hon stöd av Carolina Escobar Sarti.
Nolosha hablaha ayaa dun ka raaracda. sawir: Alice Petrén/veriges Radio.

Hayad cusub ayaa ka hortagaysa denbiyadda sharaf dhowrka

Haayad dawli ah oo cusub oo lag furidoono kowda bisha jeenaweri.
2:21 min

Hayadda cusub oo dawli ah oo ka hortagaysa tacadiyada dumarka lagula kaco ayaa koowda bisha jeenaweri ka howl bilaabi doonta Sweden.

Haayaddan ayaa shaqadeeda ugu weeyn noqon doontaa ka hortaga xadgudubyada sharaf dhowrka la xidhiidha ee dumarka lagula kaco. Wasiirada arimaha sinaanta ee Sweden Åsa Rognér ayaa sheegtay in haayaddan meel ku midayn doonto dhamaan ururrada ka hortaga cadaadiska la xidhiidha sharaf dhowrka.

Haayadda oo ay ka howlgeli doonaan 70 shaqaale ah ayaa lagu wargeliyey in ay fuliso mashruucyo ku wajahan wiilasha iyo raga oo  lagu joojinayo denbiyada shaaraf dhowrka. Dhinaca kale  haayaddan waxa kale oo ay u xilsaaran tahay in ay ka shaqeeyso joojinta xadgudubyada dumarka lagula kaco ee ka dhaca shaqooyinka, iyo sidoo kale ka ganacsiga dadka iyo faafinta sawirada muujinaya jidhka caruur qaawan.

Dhinaca kale mucaaridka qaar ayaa hore u muujiyey walaac ay ka qabaan haayaddan, iyaga oo sheegay in haayaddan burburin doonto aqoontii hore ee looga lahaa denbiyadda sharaf dhowrka. Hayeeshee Åsa Rognér ayaa iska fogaysay daliilahan.

-Majirto wax aan burburinayno, anagu waayo-aragnimadii hore u jirtay ayaan wax ku dhisaynaa. Waana howsha haayaddan in ay la shaqeeyso dadkii hore u lahaa aqoon oo arrintan badan oo ku saabsan.

Hayadda ayay xarunteedu noqon doontaa xaafadda Angered oo dhacda waqooyi-bari ee magaalada Göteborg.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".