Knöl
Astaamaha dhalashada oo isbedel ku yimaado sida cun cun, waa in aad la socotaa sabata isbedelka Foto: Skincareaus /CC BY SA 4.0.

Astaamo loo maleeyn karo in qofku uu qabo cudurka kansarka

''Astaamahan haddii aad isku aragto dhaqtar la xiriir''
2:21 min

Waxaa jira astaamaha qaar oo ka digaya in qofka uu qabo cuduka kansarka, iyada oo astaamaha haddii qofka isu arko aysan micnaheedu ahayn khatar balse ay habboon tahay in uu ogaado waxa sababaya

Gobolka Västernorrland oo dhaca waqooyiga Sweden ayey maalin walba dad gaaraya afar ruux laga helaa cudurka kansarka. In la ogaada wakhti hore cudurka ayaa muhiim ah waayo waxaa wayn fursadda uu qofku kaga samatabixi karo haddii xilli fiican la ogaado.

Waxaa jir astaamo digniin ah oo uu qofku la socon karo, ayay leedahay Senada Hajdarevic oo ka shaqeysa qeybta gobolada waqooyi ee ururka RCC  oo ah urur ka shaqeeya ka hortaga cudurka kansarka.

– in badan oo ka mid ah waxyaabahani waan ognahay balse haddii wakhti dheer la isku arko jirtaankooda, waxaa wanaagan in dhaqtar lala xiriiro oo lala kulmo. Uma baahna inuu noqdo kansar, balse waa ay wanaagsan tahay in la iska hubiyo. Mar walba waxaa habboon in aad iska eegto, halka aad iska sugi lahayd, ayay tiri Senada.

Waa kuwan astaamaha qaar ee ah in lala socdo:

- Burooyin jirka ka soo baxa.


- Saxarada oo is bedesha tusaale ahaan, caloosha oo wakhti dheer ku fadhisa ama shuban isku soo bood ah oo aan la garaneyn waxa keenaya.


- Dhiig iska imaanaya sabab la’aan tusaale ahaan, qufac dhiig uu la socdo, dhiig kaadida ama saxarada soo raaca.


- Astaamaha dhalashada oo is bedela tusaale ahaan isu bedela si aan caadi ahayn, isbedel ku yimaada midabka, ama astaanta oo sii weynaata ama cun cun bilowda.


- Nabar aan bogsoon.

- Qufac wakhti dher socda sida lix toddobaad iyada oo qofka uusan hayn hargab ama xabeeb aan ku koobnayn saddex asbuuc.

- Qaadashada cuntada oo xumaata ama hoos u dhac miisaanka oo sabab la’aan ah.


- Dhidid habeenkii ah oo aan ku xirnayn cimilada.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".