En lapp på dörren med texten: "Söker du för mässling? Dörren till höger".
Warqad ay ku qoran tahay "ma waxaad waddaa jadeeco" oo albaab ku dheggan. sawir: Emilie Lindholm/Sveriges Radio

Qofkii sagaalaad oo Göteborg laga heley cudurka deg degga u faafa ee jadeecada

Laanta gargaarka degdegga dhallaanka ee cusbitalka Östra sjukhuset ee magaalada Göteborg ayaa albaabbada loo xirey kolkii laga heley shakhsi qaba cudurka jadeecada. Laanta ayaa xirnayd subax-nimadii maanta oo khamiis ah si hawada loogu furo, sida uu qoray war-geeyska Göteborgs-Posten.

Waa shakhsigii sagaalaad ee magaalada Göteborg laga helo cudurka jadeecada wixii ka dambeeyay 10-kii diseembar.

"Cudurka jadeecada ayaa ah mid halis ah oo degdegsiinyo la isku qaadsiiyo, hase yeeshee waxey noola muuqataa in aannu kontrool ku heyno maadaama ey tirada laga heley tahay sagaal ruux. Dhanka kale waxaa lagu howl jiraa sidii loo hubin lahaa shakhsiga uu cudurku markii hore ka soo bilowday sidaa daraadeed ma jirto sabab ay bulshadu u qaado welwel”, sida ay war saxaafadeed ku sheegtay Anne Haglund Olmarker, ahna hoggaamiyaha heeganka e ecusbitalka jaamicadda Sahlgrenska.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista