Fyrverkeri över Saltsjön i Stockholm vid midnatt på nyårsafton.
Rash ama buleeyr loo rideyo xafladda ciidda sannadka cusub xaafadda Saltsjön ee magaalada Stockholm. sawir: ANDERS WIKLUND / TT

Dood ka taagan isticmaalka buleyrka ama rashta noocyadeeda mid ka mid ah

"Laba sannadood ayay qaadan doontaa in la mamnuuco"
0:58 min

Inkastoo sanad kasta ay si daran ugu dhaawacmaan dad gaaraya 100 ruux qaraxyada buleyrka (rashta) kolka loo dabaaldegayo sanadka cusub, ayaa haddana waxaa weli si rasmi ah loogu guuleysan la'yahay in la mamnuuca buleyrka (rashta) gaar ahaan noocyada u sammeeysan sida gantaalka ee usha ama qoriga ku leh salka hoose.

Shulin Nie oo ka tirsan hay’adda diyaargarowga iyo difaaca madaniga ayaa sheegay in ay jirto fursad si weyn loogu dhimi karo waxyeelada buleyrka gantaalka ah, haddii la mamnuuco isticmaalkiisa ama keliya loo oggolaado dadka xirfadda u leh sida loo isticmaalo buleyrka noocaasi ah.

 

Fråga
Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".