Sveriges Rikes Lag i bokform.
Buugga qaanuunnada Sweden. sawir: JANERIK HENRIKSSON / TT

Xeerarka cusub iyo kuwa wax laga bedeley ee la kowsan doona 2018

"Darawalka oo laga mamnuucay inuu telefoon ku hadlo gacanta ah"
6:54 min

Sannadka foodda innagu soo haya waxaa bilaaban doona adkeeynta xerarka hab dhaqanka internet-ka iyo goobaha bulshadu ku kulanto ee internet-ka. Waxaa sidii hore laga sahlay habka ciqaab loogu ridi karo ciddii faafisa sawirro meel ka dhac ah.

Bilowga sannadka 2018 waxaa hir geli doona xeerar cusub iyo kuwo wax laga badaley oo uu ka mid yahay xeerka cusub ee ku xad gudubka shakhsiyadda qofka.

Waxay middaasi ka dhigan tahay inay ciqaab kasban doonto ciddii faafisa sawirro meel kaga dhacaya shakhsiyadda qofka, sida sawirro qaawanaan ah iyo waxa lagu magacaabo ku aarsiga aflaanta galmada. Hab dhaqanka noocan ah ayay horay u adkeeyd in maxkamadda la hor keeno. Iyada oo xukunkiisa ciqaabtu uu yahay ugu yaraan ganaax illaa iyo afar sannadood oo xarig ah.

Xiriirka rabshadeeynta

Kolka laga yimaado sawirrada galmada waxaa sidoo kale ciqaab noqon doonta cidda faafisa xogta caafimaad ee cid kale, in shakhsi loo geeystay dembi culus ama laga faafiyo sawir muujinaya xaalad adag oo uu qofku ku sugan yahay, tusaale ahaan goob uu shil ka dhacay.

Waxaa sidoo kale ciqaab noqon doonta cidda ku hanjabta inay faafiso sawirro noocaasi ah, hase yeeshee uu xeerka noocan ahi hir-geli doono ugu horreeyn sannadka xiga ee 2019.

Sannadka foodda innagu soo haya waxaa shabakadaha internet-ka lagu waajibin doonaa iney ka saaraan farriimmaha la xiriira handadaadda iyo falalka sharci darrada ee ah meel kaga dhaca shakhsiyadda.

Dembiyada dhibka (ofredande – dhibista) ayaa la ballaariyay oo lagu darey la xiriiridda aan la dooneyn ee soo noqnoqoda ee lagula yeesho farriimmaha sms, e-post ama telefoon. Maxkamaddu waxay qiimeeyn doontaa tirada inta jeer ee xiriir aan la dooneyn la sameeyey, waa haddii dulucda xiriirka ey ka muuqdaan meel kaga dhac iyo cabsi gelin iyo dhibaatada uu xiriirkaasi sababay, tusaale ahaan hurdo xumi.

Shukaanta oo gacanta lagu hayo

Xeerka kale ee saameeynaya aaladaha ey bulshadu ku kulanto, hase yeeshee aanu baarlamanku weli dubbaha ku dhufan ayaa ah in dhallaanka buuxiyey 13 sannadood ey si xorriyad leh u siin karaan ogolaansho aaladaha bulshadu ku kulmaan iney maareeyn karaan xogtooda. Xeerkan ayaa la rajeeyneyaa inuu hir-galo ugu horreeyn bisha maajo 2018.

Bisha feeberaayo xeer hir-geli doona ayaa loo baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho. Laga bilaabo bisha feeberaayo 2018 waxaa la xaaraantimeeyey ku hadalka mobail-ka oo aan dhegta kuugu jirin in gaari la wado. 

Ciddii xiiseeynaysa baaskiillada waxaa hir geli doona xeerka qiimaha qeyb looga bixineyo baaskiillada korontada ku socda laga bilaabo bisha feeberaayo. Dhaqaalaha lagu taageeri doono ayaa u dhigma 25% qiimaha iibsiga, iyo ugu badnaan 10 000 oo koron. Kuma jiraan baaskiilada caadiga ah qalabka la kaxeeysto iyada oo lagu taagan yahay sida Segway, ama hoverboard.

Waxaa kor loo qaadey oo la gaarsiiyey ugu yaraan laba  sannadood oo xarig ah dembiyada culus ee hubka.

Waxaa ciqaabta lagu darey xitaa haddii aanu kulanku dhicin in ballan lala dhigto dhallaan si galmo loola sameeyo.

Waxaa 40% kor loo qaaday ciqaabta ganaaxa ee cidda khamri dalka soo gelisa iyadoo aanan bixin canshuurtii looga baahnaa.

Fasalka xanaannada ee lixda jirrada oo la waajibiyey, halkii uu hore u ahaa ciddii doonaysa. Wuxuu xeerkan hir-geli doonaa xilliga dayrta 2018.

Shuruudda in dadyoowga iimahoodu dhiman yihiin sidii loogu sahli lahaa dhib la’aan geli karaan timo-jareyaasha iyo maqaayadaha laga bilaabo bisha maajo.

Da’da ugu yar ee lagu qorraxeeysan karo mashiinka qorraxda solarium ayaa laga dhigey 18 sannadood. Wuxuu hir-geli doonaa bisha sebteembar. 

Cafis guud dhammaan ciddii hub iska soo wareejisa inta u dhexeeysa bilaha feeberaayo illaa abriil.

Ganaaxa oo kor loogu qaado cidda jebisa xeerka kaxeeynta gawaarida iyo muddada nasashada ee dareewallada, laga bilaabo bisha maarso.

Laamaha golaha bulshada ee maamullada degmooyinka oo loo xil-saarey ka hor-tagga qabatinka khamaarka.

Waxaa la ballaariyay adkeeynta xogta shakhsiga  shaqaalaha dawladda ka yaala goobaha shaqo - intranät.

Waxaa xog dhowris lagu soo rogey xogta sida ay macaamiisha madxafyada buugagta u isticmaalaan kombiyuutarrada yaala.

Qareemada dembiyada gala xilliyada aaney shaqeeneyn in lagala noqon karo xubin-nimada qareemmada is baheeystey (ururka qareemmada).

Maamuleyaasha iskuullada ayaa go’aan ka gaareya haddii iskuullada lagu casumeyo xisbiyada. Kala doorashaduna waa iney ku saleeysnaato caddaalad iyo dhexdhexaad-nimo. Tusaale ahaan xisbiyada baarlamanka ama xisbiyada maamullada degmooyinka.

 

Isha: Riksdagen, regeringen, tullverket.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".