Haweenay diyaarineeysa tallaalka cudurka jadeecada..
Arkivbild. sawir: Lukas Schulze/TT.

Cudurka jadeecada oo qof kale laga heley

Tiradii 12-aad ayaa laga heley cudurka jadeecada, sida lagu caddeeyay war-bixin laga heley Nawaaxiga Västra Götaland. Waa shakhsi ka howl-gala goob caafimaad oo cudurka la qaadsiiyey.

-Waxaa saaka bilowday in la caddeeyo halka uu cudurka faafiddiisu ka soo bilowday. Waa tiradii 12-aad ee laga helo cudurka jadeecada (mässling), sida uu sheegay dhakhtarka cudurrada faafa Leif Dotevall oo ka howl-gala nawaaxiga Västra Götaland mar uu u warramayay hayadda wararka Sweden TT.

Bukaankii ugu horreeyay ee cudurka jadeecada ayaa la shaaciyay horraantii bishii diseembar, iyadoona uu cusbitalka jaamicadda ee Sahlgrenska sababtaa daraadeed dib ugu yeerey shaqaale dheeri ah oo ka howl-gala howlaha gargaarka degdegga, sidii looga hor tegi lahaa faafidda cudurka jadeecada. Waxaa sidoo kale kor loo qaadey howlihii sheey-baarista tijaabooyinka.

Faafidda cudurka waa in la sawireeyo.

-Gobolka waxaa qiyaastii ku dhaqan bulsho tiradooda lagu qiyaaso hal malyan. Illaa iminka waxaa cudurka laga heley 12 ruux muddo saddex toddobaad ah. Waxaa aad u yar halista ah in cudurka la qaado, sida uu sheegay Leif Dotevall.

Wakhtiga u dhexeeya kolka cudurka la qaado illaa uu ka soo shaac baxayo ayaa ah toddoba illaa iyo 18 maalmood.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".