Sundsvall
Waddooyinka Sundsvall waa taraarax dhalo ah. Foto: Karin Lönnå / Sveriges Radio

Waddooyinka magaaladda Sundsvall oo maanta taraarax dhalo ah

Waxaa ka jira magaaladda Sundsvall taraarax ama silbasho daran oo sababtay xitaa in basaska ka shaqeeynayay magaaladda in shaqada laga joojiyo, sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha ee gobolkaasi.

-Basaska waa ay iska taraaraxayaan oo lama kaxeyn karo, waxaa sidaasi yiri Hans Fälldin oo ka tirsan shirkadda Din Tur, oo agaasinta gaadiidka dadweynaha ee magaaladda Sundsvall, waxuuna la hadlay wargeyska  Sundsvalls Tidning.

Mas’uulka ayaa intaasi sii raaciyay in uusan ogeyn inta ay sii jiri doonto xaaladan isaga oo sheegay in ay ku xiran tahay sida degmada qeybteeda hagaajinta wadooyinka ay u wajahaan xalinta dhibka.

Ma ahn markii ugu horreysay ee basaska Sundsvall la baajiyo in ay shaqeeyaan taraarax waddooyinka awgeed, maalintii shalay ee sannadka 2018 uu kow ahaa iyo maalintii ka horreysaba isla sidan ayaa loo joojiyo xaaladda waddooyinka oo xun darteed.

Isha: TT

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".