Mest sålda bilen 2017 var Volvo.
Mest sålda bilen 2017 var Volvo. sawir: Thomas Johansson/TT

2017 sanadkii ugu wanaagsanaa suuqa gawaarida Sweden

2:40 min

Sanadka idlaaday ee 2017 ayaa waxa uu noqoday sanadkii ugu wanaagsanaa suuqa iibsiga baabuurta caadiga iyo kuwa rarka ama xamuulka qaada ee waaweyn, iyadoo la diiwaan geliyay 379 255 baabuur cusub.

 

Bertil Moldén oo ah madaxa shirkadda Bil Sweden Bil Sweden oo ah shirkad ay ku mideysan yihiin shirkadaha sammeeya sidoo kalana dhoofiya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee Sweden, ayaa sheegay gaadiidka cusub ee tirada badan ee la iibsaday ay sabab u tahay kobaca dhaqaalaha dalka aad u wanaagsan waxuuna sheegay in uu filayo in sanadkan cusub ee 2018, ay halkeeda ka sii socon doonto iibsashada gaadiidka cusub, isaga oo carabka ku dhuftay in qiyaas ay sammeeyeen goor hore tilmaameyso in la iibsan doono baabuur cusub oo gaareysa 360 000 sanadka bilowga dhexdiisa.

Haddii dhaqaalaha dalka uu sidan ku sii socda, ayay saadaasha waxa ay tilmaameysa in shan sano gudahooda tirada baabuurta cusub ee dadka iibsanayaan  ay sanadkii gaari doonaan ilaa 400 000 oo gaadiid.

Waxaa dhanka kale hoos u dhacay iibsashada gawaarida naaftada ama diesel ka iyada oo aad o kordheen iibsashada gawaarida bey’ada u wanaagsan sida kuwa ku shaqeeya korontada ama shidaalka noocyadiisa kale.

Hase yeeshee gawaarida korontada ku shaqeysa ayaa Bertil waxa uu sheegay in iibsigooda hal dhibaato ay ka taagan tahay taasi oo ah kaarikada korontada ee ay u baahan yihiin.

– Iibsiga aasaasiga ee gawaarida ku shaqeeya korontada ayaa ah in qofka guriga ku cabeen karo ama ku jaarjigareen karo iyada oo korontada raqiis u tahay. Dadka ku nool dabaqa shanaad ee Gamla Stan ee caasimada Stockholm waa ay ku adag tahay in fiilo uu ka soo raaricayo dabaa si gaarigiisa u jaarjagareeysto, ayuu yiri Bertil.

Qofka waxaa haboon in uu fekero ka hor inta uusan gadan gaari koronto ku socda- waa in uu is weydiiyaa xaafadda iyo shaqda mak u jaarjagareysan kartaa gaarigaaga, ayuu sii raaciyay hadalkiisa Bertil Moldén madaxa shirkadda Bil Sweden.

                                                                     Somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista