Cisbitaalka Östra Sjukhuset ayaa u yeedhaya caruurtii ku dhalatay halkaas.
Cisbitaalka Östra Sjukhuset ayaa u yeedhaya caruurtii ku dhalatay halkaas intii u dhaxaysay 28:kii ilaa 29:kii deseember. sawir: Adam Ihse / TT

Carruur sabi ah oo laga tallaaley cudurka jadeecada shaki aawgiis

1:21 min

54 caaruur ah oo ku dhalatay cisbitaalka Östra sjukhuset ayaa loo yeedhey si dawadda ka horta jadeecada la siiyo.

Tan ayaa imanaysa ka dib markii la ogaaday in qof ka mid ah shaqaalaha ka howlgala qeybta dumarka laga helay jadeecada. Görel Nergelius oo ah hogaanka dhakhaatiirka ee qeeybtan ayaa u warantay laanta wararka ee raadiyaha Sweden maanta, waxaanay sheegtain ay la xidhiidhi doonaan dadkii caruurtu ugu dhasheen cisbitaalkan intii u dhaxaysey 28 ilaa 29 deseember.   

-Caruurta sidan u yaryar jirkoodu ma lahan awood ka hortag ee jadeecada, xitaa hadii hooyooyinkood horey looga tallaaley jadeecada. Waxan xoogga saarnay in aan ogaano aqoonsiga caruurtan iyo waalikood, waxaanu la xidhiidhi doonaa maanta. Waxaana la siin doonnaa talaalka ka hortaga jadeecada.

Cisbitaalada gobolka Östra Götaland ayaa hore heegan ugu jiray. Ka dib markii dhowr qof oo degen magaaladda Göteborg ay jadeeco ku dhacday. Ilaa hada waxa cudurka jadeecada laga heley 12 qof.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista