Pendeltåg
(arkivbild). sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Haddii aad ku safreyso tareen maanta, waxaad la kulmi kartaa dib u dhac

Haddii aad maanta safar tahay, howl gal ay bileyska ka sammeeyeen wadada tareenada ayaa sababi karta in safarada tareenada qaar ee gobolada dalka iyo daafaha magaaladda Stockholm in dib u dhac la kulmaan.

Tareenada gobolada ee kuwa safarada dhaadheer ee maanta la baajiyay ama daahi kara ayaa ah khadadka hoos ku qoran:

Stockholm C-Nyköping/Norrköping—Malmö/Köpenhamn,

Stockholm C-Hallsberg-Göteborg/Karlstad/Oslo,

Stockholm C-Eskilstuna-Arboga/Hallsberg

Tareenada dusha sare mara ee daafaha Stockholm ee ay saameysay xirnaashaha khadka Älvsjö iyo Stockholm City ayaa kuwa soo socda:

Pendeltåg linje 40, Uppsala-Stockholm City-Södertälje C

Pendeltåg linje 41, Märsta-Stockholm City-Tumba-(Södertälje C)

Pendeltåg linje 43, Bålsta/Kungsängen/Kallhäll-Västerhaninge/Nynäshamn.

Källa: Trafikverket

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".