Avspärrat vid Södra station efter polisinsats.
Avspärrat vid Södra station efter polisinsats. sawir: TT och Hanna Roth/Sveriges radio.

Hawlgalkii booliska ee sababay hakadka tareenada oo soo dhammaaday

''Ma ku nasiib saneyno in aysan goobta dhibaato ka jirin''
2:02 min

Booliska ayaa soo afjaray hawlgalkoodii saakay ee sababay in joogsi ku yimaado isu socodka tareenada, waxaana imminka dib u bilwoday isu socodka tareenada ee khadadka saakay xirmay hase yeeshee hay’adda gaadiidka Stockholm ee SL ayaa sheegtay in gelinka hore ee maanta uu jiri doono dib u dhacyo xagga isu socodka ah.

– Hakad dheer ayuu ahaa iyo isku dhex yaac aroortii hore, ayuu yiri, Jesper Pettersson, afhayeenka shirkada SL. Tareenada waa ay shaqeenayaan balse waxaa jiri doona daahitaano dhaadheer.

Booliska ayaa lala soo hadlay saakay 5-ta aroornimo ka dib markii dad lagu arkay madaxa koonfureed ee daafaha Stockholm. Bileyska qeybiisa qaabilsan baaritaanada wax yaabaha qarxa ayaa ku soo biiray hawl gal ay booliska bilaabeen iyada oona la joojiyay dhammaan isu socodka tareenada.

– Dad baa ku arkay shaqsiyaad aan idin u heysan wadad xadiidka haddaba mak u qamaareyno in aysan goobta ka jirin wax yeelo, walxo goobta la dhigay ama qof, ayuu yiri Kjell Lindgren oo ka tirsan bileyska magaaladda Stockholm.

Mar sarkaalka la weydiiyay in ay sax tahay in qeybta wax yaabaha qarxa ee goobta soo gaareen, ayuu sheegay in ay sax tahay oo ay jiraan dad baaritaano ka waday meesha, gootana ay tahay hab aad u weyn oo ah dhabaha dhulka hoose ee tareenada goobta ay geeyeen tiro badan oo boolis ah oo ku wanaagsan wax raadinta.

Saacadda marka ay ahayd sagaalka, ayay booliska soo afjareen hawlgalkooda waxayna bogga ay ku leeyihiin internet ka bileyska ku sheegeen in aysan waxba ka soo helin goobta, dad ama walxo intaba.

 

                                                            Somali@sverigesradio.se

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".