prideflaggor och en hand som håller en telefon.
Arkivbild. sawir: TT.

Tiro intii hore ka badan oo lagu xukumo isku dirka qowmiyadaha kala duwan

Tacadiyada loo geeysto HBTQ-personer wey ka badan yihiin inta la ogaado
4:42 min

Waxaa kor u kacay tirada dadyoowga lagu soo eedeeyo qoraallada meel ka dhaca ah ee lagu beegsaneyo qowmiyad ee lagu soo daabaco goobaha ey bulshadu ku kulanto, waxa loo yaqaanno sociala medier.

Dacwooyinka ayaa inta badan la xiriira af-lagaado lid ku ah muslimiinta, qaxootiga iyo qowmiyadda Yuhuudda iyo sidoo kale kooxaha lagu magacaabo HBTQ-personer. Mid ka mid ah dadyoowga falka noocaasi ah lagula kacey oo aannu ugu magac darney Nils ayaan sinjiyaddiisa ku sifeeyn nin iyo naag midnaba.

"Waxaan rajeeyn in dhammaan dadyoowga aan u galmoon cidda aan lidka ku aheyn loo geeysto jir dil, qudha oo laga jaro, la faqooqo, sida ku cad qoraal faallo ah oo lagu daabacay shaashadda inter-netka ee Facebook.

Faalladan ayaa ka dambeeysay farriin uu Nils ka sheegay saxaafadda iyo sida ay u adag tahay in lagu barbaaro HBTQ- ahaan magaalooyinka yaryar ee ka tir-san gobolka Stockholm. Faallooyinkii laga bixiyey wareeysigii Nils waxaa kaloo ka mid ahaa:

"Waxaa la gaaray xilligii ay bulshadu ka fal celin lahayd. Waxaan rajeeynayaa in quwad la isticmaalo sidii looga hor tegi lahaa cudurkan."

Faallooyinkan ayaa lagu daabacay bogga shaashadda Facebook ee idaacadda la iska daawado ee SVT, kadib kolkii la dhigey goobtaa wareeysigii lala yeeshey Nils ee ku saabsanaa korriimmadiisa. Faallo kale ayaa lagu sheegay in aanu Nils ka mid ahayn bulshada nawaaxigaa.

"Goob khaldan oo laga helo cid sidaa looga yaqyaqsado."

Ninkii farriintaa ka dambeeyay ayaa dacwad laga oogay la xiriirta isku dirka bulshooyinka kala duwan, waxa loo yaqaanno hets mot folkgrupp. Iyadoona maxkamaddii dacwaddaasi albaabka loo furey bishii feeberaayo.

Kolka laga hadleyo faallooyinka lagu daabacey shaashadda Facebook ee dacwadaha laga oogey ayey xukunno ku dheceen 18 kiis oo ka mid ah intii lagu guda jirey sannadkii 2017. Badankood dadyoowga xukunku ku dhacay ayaa lagu eedeeyey isku dirka qowmiyadaha. Waana tiro afar jibbaarantay wixii ka dambeeyay sannadkii 2013.

Intii lagu guda jiray sannadkii 2017 ayuu mid ka mid ah go’aammadii maxkamaddu ahaa mid la xiriirey af-lagaado loo geeystay dadyoow HBTQ, hase yeeshee uu ciidanka ammaanku aamin-san yahay inay af-lagaaddada loo geeysto dadyoowgaasi ey intaa ka badan tahay. 

Laanta ciidanka ammaanka ee dembiyada isku dirka qowmiyadaha ee magaalada Stockholm ayey soo gaaraan dacwooyin ka badan intii hore ee la xiriira faallooyinka lagu daabaco internet-ka. Waxaana loo baahan yahay iney baareyaasha dembiyadaasina waxyaabo badan qiimeeyaan oo isku miisaamaan, sida uu sheegay Daniel Godman.

–Waxaa la oran karaa in dhammaan shaashadaha Facebook yihiin kuwo fikirro kala duwan lagu daabaco. Haddii boggaasi yahay mid gaar loo leeyahey oo ey ku mideey-san yihiin afar illaa shan qofood way adkaaneeysaa in xeerka lala tiigsado maadaama uu shaki ku jiro baahidda qoraalkaa. Waa mid loo baahan yahay in guud ahaan laga eego, sida uu sheegay Daniel Godman, ahna madaxa laanta dembiyada isku dirka qowmiyadaha kala duwan ee ciidanka ammaanka magaalada Stockholm.

Daniel Godman ayaan aaminsanayn iney soo wada gaaraan dhammaan aflagaaddada lagula kaco dadyoowga HBTQ-ga ah. Kolka loo barbar-dhigo dacwooyinka laga gudbiyo af-lagaaddada lidka ku ah muslimiinta, qaxootiga iyo Yuhuudda, wey ka badan yihiin kuwa ey soo gudbiyaan dadyoowga HBTQ-ga, sida uu qabo Daniel Godman.

–Ma dhacdo caadiyan, waxaan middaa ka soo daliishanayaa dacwooyinka na soo gaara. Waxaan u maleeynayaa iney aad uga badan yihiin inta aan ka dacwoon.

Ninka dacwaddan lagu soo oogey ayaa ka gaabsaday inuu saxaafadda la hadlo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".