Qalinle Dayib (C). Sawirle: U gaar ah.
Qalinle Dayib (C). Sawirle: U gaar ah. sawir: Privat.

Dhacdooyinka ugu waaweynaa 2017

10 min

Abbaaraa saddexdii galab-nimo ee 7-dii bishii abriil ee sannadkii ina dhaafay 2017 waxaa faras-magaalaha Stocklholm ka dhacay fal argagixis-nimo oo baabuur xamuul ah lagu laayey 5 ruux, halka ey 15-kalena ku dhaawacmeen. Falkaasi ayaa ka mid noqday waxyaalaha ugu waaweyn ee taariikhda aragagixis-nimada galay.

Muddadii lagu guda jirey sannadkii dhammaaday ee 2017 ayey caalamka iyo gaar ahaan waddammada Soomaaliya iyo Swedenba ka dhaceen arrimmo waaweyn ee salka ku haya siyaasadda. Waxyaabaha qaarkood ayaa xasuus ku reeba bulshada, halka qaar kalena ey xusuusta si dhakhsi ah uga tirtirmaan. Haddaba xaaladihii ugu waaweynaa ee dhanka siyaasadda ee ka dhacay dalka Sweden iyo qaar ka mid ah caalamka iyo Soomaaliya ayaannu wax ka weeydiiney Qalinle Dayib oo ka mid ah dadyoowga u dhuun daloola siyaasadda, isla-markaana xubin ka ah xisbiga Center-ka. Inkastuu wareeysigani aannu salka ku heyn doodaha siyaasadda ee dalka ka socda:

-Waxyaabo badan ayaa lagu xasuusan karaa dhacdooyinkii siyaasadda ee sannadkii tagey 2017 haddey noqon lahayd Sweden, Yurub iyo guud ahaan caalamka, sida uu sheegay Qalinle Dayib.

-Doorashadii ka dhacday Soomaaliya iyo qaraxyadii ey dadka badani ku le’deen ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Doorashadii ka dhacday Soomaaliland ee bulshadu codkeeda ku dhiibteen, kuna muujiyeen cidda ey taageer-san yihiin iyo go’aankii madax-weynaha Mareeykanka ee waddammo ey Soomaaliya ka mid tahay lagaga mamnuucay gelitaanka waddankaasi, ayuu ku tilmaamey Qalinle iney ka mid yihiin waxyaabaha lagu xasuusan doono 2017:

Haddii aannu u soo noqonno dalka Sweden waxaa la oran karaa in dhacdooyinkii siyaasadda ee ugu waaweynaa lagu sifeeyn karo ereyada: Kalsooni kala noqoshada iyo waxa afkan iswiidhishka lagu yiraahdo Kris (xaalad degdeg ah ama caqabad).

Dhacdadii fadeexadda ee hayadda hoggaanka gaadiidka transportstyrelsen ayaa ka mid ahayd dhacdooyinkii loogu hadalka badnaa ee siyaasadda ee sannadkii 2017, middaasina oo khalkhal gelisey jiritaankii dawladda:

Xisbiga Moderaterna ayaa in muddo ah sannaddii ina dhaafatay ku jirey hoos u dhac ballaaran, isagoona uu xisbigu lumiyey kaalinta labaad ee asxaabta dalka, galayna kaalinta saddexaad. Hase yeeshee ugu dambeeyntii bishii agoosto la gaarey heerkii ugu sarreeyey ee kalsooni-darro loo hayo hoggaamiyihii hore ee xisbiga Anna Kinberg Batra oo sababtay iney xukunka isaga degto:

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade ljud i menyn under Min lista