Med anledning av Europeiska donationsdagen som infaller på lördag 18 september bjöd idag Karolinska Institutet i Huddinge in ett antal journalister och fotografer att närvara vid en njurtransplantation med modernaste teknologi.
Shakhsi kelida laga bedeleyo. sawir: JACK MIKRUT

Xubin bedelka kelyaha oo kor u kacey 2017

Sannadkii tagay 2017 ayaa rikoor cusub noqday kolka laga hadleyo tirada dadyoowga xubnaha loo bedeley Sweden. Xubin-bedelka ugu badan ayaa lagu sameeyey dadyoowga kelyaha loo bedeley.

"Waxaa farxad leh iney kor u kaceen dadyoowga xubnahooda ku yabooha, middaasina oo sahashay iney dad intii hore ka badan oo baahi u qabey ey u helaan suurtagal, sida uu qoraal saxaafadeed ku sheegay Håkan Hedman, guddoomiyaha ururka kelyaha - Njurförbundet.

Waxaa sannadkii ina dhaafay 2017 xubnahooda ku yaboohey geeridooda ka dib dadyoow gaarsii-san 188, waana tiro 3 dheer, marka loo barbar dhigo sannadkii ka horreeyay. Hase yeeshee waxaa nasiib-darro jirta farqiyo u dhexeeya gobollada. Iyadoona la rajeeyneyo inuu kor u kac ku yimaado, sida uu sheegay Håkan Hedman.

Xubnaha lagu yaboohey 188

Kelyaha la bedeley 474, 125 ka mid ah waxaa laga heley dad nool.

Wadnaha la bedeley 62

Sambabbada la bedeley 64

Beerka la bedeley 181

Bukaan-socodka xubin yabooha sugaya 800, oo 680 ka mid ahi kelyo sugeyeen wixii ka dambeeyay sebteembar 2016.

Isha: Svensk Transplantationsförening iyo Socialstyrelsen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".