Tomt framför incheckningsterminalerna på Terminal 4 på Arlanda flygplats under pilotstrejken på tisdagen.
Goobta tigidhada ee garoonka dayuurradaaha oo bannaan shaqa-joojin aawadeed. sawir: Johan Nilsson/TT

DO: Fal dembi ma ahan in shaqo la isugu diido xijaabka gabdhaha

Sannadkii ina dhaafay oo gabar xijaaban oo shaqo ka dalbatay miiska tigidhada shirkadda dayuurradaha SAS ee garoonka diyaaradaha Arlanda ayaa lagu war-geliyey in haddii ay shaqadan bilowdo ku khasbanaan doonto xijaabka inay dhigto, dhacdadaasina oo si baahsan loogu soo ban-dhigey saxaafadda. Iyadoona ay dabadeed go’aan ku gaartay hayadda ka hor-tagga faqooqa diskrimineringsombudsmannen (DO) inay baaris ku sameeyso.

Go’aanka ay hayadda DO gaartay ayay ku caddeeysay in aanay wax gef ah sameeyn shirkadda dayuurradaha ee SAS, sida lagu sheegay laanta wararka Stockholm ee idaacadda SVT. Shirkadda SAS ayaa tilmaantay iyada oo cuskaneeysa nidaamkeeda lebiska ee shirkadda in aanay suurtagal ahayn in lagu qaato astaamo muujineya diin, fikirro siyaasadeed iyo wixii la mid ah, waana ariin khuseeya oo keliya shaqaalaha adeegyada ee macaamiisha la kulmaya.

Waa fikir ay ku raacday maxkamadda ururka midowga Yurub.

"Hayadda DO ayaa ku qiimeeysay in aannu ka hor imaneeyn xeerarka ka hortagga faqooqa nidaamka direeyska shirkadda SAS ee qabanaya oo keliya shaqaalaha adeegyada ee xiriirka tooska ah la yeesha macaamiisha, sida ay war-saxaafadeed ku soo ban-dhigtay hayadda faqooqu DO, sida ay qortay laanta wararka ee SVT.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".