Stortorget i Trelleborg med Axel Ebbes fontänskulptur Sjöormen i brons.
Barxadda Stortorget ee magaalada Trelleborg iyo taalada Sjöormen ee maarta ka sameeysan. sawir: Johan Nilsson/TT

Mashiinnada robotka oo dhimay qaadashada dhaqaalaha ceeydha

"Xaqiiqdii waan muujinney iney suurtagal tahay"
1:43 min

Qaar badan oo ka mid ah dadyoowga ka qaata dhaqaalaha ceeydha degmada Trelleborg ayaa shaqa bilaabey sannadkii ina dhaafay – halka dhanka kale uu maamulka degmada kaga baxay dhaqaale ka liita ceeydha middii uu horay u bixin jiray, middaasina oo ay ka dambeeysay iyada oo uu maamulka degmadu isticmaalay mashiinno iskood howlahaa u qabta, sida ay ku soo warrantay laanta wararka ee Ekot.

–Xaqiiqdii waa tallaabo cajiib, waxaannu caddeeyney inay suurtagal tahay, sida ay sheegtay Eleonore Schlyter, ahna madaxa laanta suuqa shaqada ee magaalada Trelleborg.

Halkii ey shaqaale gacan-yare ah howlaha baaritaanka dadyowga qaata dhaqaalaha ceeydha ka qaban lahaayeen ayey la wareegen mashiinno ku tijaabiya dalabaadkooda xogta hayadda canshuuraha iyo xafiiska shaqada, halkaasina laga ogaado in shahsigu xaq u leeyahay taageerada dhaqaale iyo in kale.

-Mashiinka ayay ku qaadata muddo hal daqiiqo gaarsii-san sidii uu howsha oo dhan u qaban lahaa, sida ay sheegtay Eleonore Schlyter, ahna madaxa laanta suuqa shaqada ee magaalada Trelleborg.

Degmada ayaa aad u dhintay shaqaalihii gacan-yarenimada ku howl-geli jirey halka dhanka kale la kordhiyey tirada shaqaalaha ee bulshada ka caawiya sidii ey suuqa shaqada uga qayb geli lahaayeen.

Iyadoona ey sannadkii ina dhaafey nidaamka ceeydha ka baxeen kuna biireen suuqa shaqada tiro gaarsii-san 450 qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada trelleborgare, kolka loo barbar dhigo shan sannadood hortood oo tiradaasi gaarsiisnayd 168 ruux.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".