Vårby gård polis
Ciidanka ammaanka oo aan weli cidna u qaban qaraxii Vårby gård. sawir: Lasse Persson/Sveriges Radio & Henrik Montgomery/TT

60 jir ku u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay Stockholm

1:45 min

Nin jira da´da 60 jir ayaa shalay 11 duhurnimo ku dhintay xaafada Vårby ka dib kolkii uu qaatay walax uu boliisku filayo in ay tahay bam gacmeed. Bamkan ayuu ka helay goob u dhow maxadada tareenku maro ee xaafadda Vårby gård.

Dhacdadan ayaa murugo badan ku beertay dadka xaafadaa ku nool oo islamarkiiba u tacsiyeeyay ninka dhintay iyo reerkiisa, iyadoona suuqa xaafadda la dhigay ubaxyo.

Mid ka mid ah dadka xaafada ku nool ee suuqan yimid si uu naxdintiisa u muujiyo ayaa ah Lasse Andersson.

– Waxaan rabaa in aan u tacsiiyeeyo ninkii shalay halkan ku dhintay, waa arrin naxdin badan leh oo aanan fahmi karin in ay dhacday maalin cad, ayuu sheegay.

Sidoo kale ayey gabadh 45 jir ku dhaawacantay qaraxan. Islamarkiiba waxaa loola cararay cisbitaalka oo ay weli ku jirto. Boliiska ayaa rejeeynaya inay sida ugu dhakhsiyaha badan gabadhan u wareestaan.

Dhacdadan ayaa naxdin weyn ku abuurtay dadka xaafada ku dhaqan. Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa u dhaw iskuul ilmaha, sidaa daraadeed  ayaa axaddii shalay ardeyda iskuulka dhigata albaabada loo furay si ay u helaan taageero iyo cid ay la hadlaan ciddii doonaysa.

Boliiska ayaa dembigan cinwaan uga dhigay dil iyo halis guud oo loo geeystay bulshada.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".