Man drar pojke i Örat. Model released
Gacan ilmo dhegta ka maroojinaysa. sawir: Claudio Bresciani / TT

Kala duwanaanta barbaarinta dhallaanka ee Sweden iyo Soomaaliya

Safiyo Cali "Waalidka ayaa is-bedel laga rabaa inuu la yimaado"
6:43 min

Barbaarinta uu dhallaan ka soo helo waalidkii dhalay ayuu inta badan isku dayaa inuu u gudbiyo dhallaankiisa kolka uu waalid noqdo. Waana mid adag inuu qofku wax aannu dhaqan iyo aqoonin u laheyn uu ku barbaariyo dhallaankiisa. Dhibaataduse waxey ka imaneeysaa kolka uu qoysku ka soo baqoolo dhaqankii iyo cimiladii lagu soo barbaariyey una yimaado qowmiyad ama qowmiyado ka dhaqan, taariikh iyo afba duwan iyo sidii uu dhallaan ugu barbaarin lahaa. Iyadoona ey nolosha barbaarinta dhallaanka ee Sweden-ina ka duwan tahay.

Haddaba qaar ka mid ah waalidiinta soomaalida ayaannu wax ka weydiiney barbaarintii ey soo mareen, cidda ilmaha barbaarin jirtay iyo jawigii ey ku soo barbaareen waxa uu kaga duwan yahay midka ey ku khasbanaadeen qaxii ka dib iney Sweden ku barbaariyaan dhallaankooda, kolkii ey iyagu waalid noqdeen. Codkii ka horreeyey ee aad maqleeyseena waxay ahayd hooyo Fardowsa Iimaan Cabdi oo sheegtay in dhallaanka ey barbaarin jirtay bulshada guud ahaan:

Barbaarinta noocaasi ah ayaa hor-seed u ahayd in aan ilmaha laga welwelin xilliyada fasaxyada ee galbihii iyo fiidadkii waxa uu ku mashquulsan yahay, maadaama cid walba kala tacaaleeysay haddii ey ku aragto falal aan habbooneyn iyaga oo ku kacaya. Haddaba dalkan ayey maamulladda degmooyinka iyo dowladduba kharash ku bixiyaan sidii dhallaanka loogu sameeyn lahaa goobo ey wakhtiyada isku dhaafiyaan, halka ay Safiya Cali Xuseen sheegtay in middaasi aaney ka jirn Soomaaliya carruur-nimadeedii:

Kala duwananshaha ayay ka iman kara waxyaabo ey ka mid yihiin deriska oo aan soomaali aheyn, afka, dhaqammada iyo wakhtiga la heeysto, middaasina oo kordhineeysa welwelka dhallaanka laga qabo kolka uu guriga ka maqan yahay iyo sidii looga war-qabi lahaa, sida ay sheegtay Fardowsa Iimaan Cabdi:

Nidaamka wax-barashada iyo dhaqankii waalidka ilmaha dhaley lagu soo barbaariyey ayaa ka mid ah kala duwanaanshaha, sida ay sheegtay Safiyo Cali Xuseen:

Waana mid keeni kartaa isku dhac haddii aan la is waafajin labada korriimmo ee kala duwan. Midkii waalidka ilmaha dhaliyey lagu soo barbaariyey iyo midka dhallaanka Sweden ku dhashey la dooneyo in lagu barbaariyo. Safiya Cali Xuseen iyo mar kale.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".